|

Kooxaha kubadda cagta ee Muqdisho City iyo Fc Banaadir oo ku kala guulaystay Horyaaladii 2aad iyo 3aad ee Dalka Somaliya

SPORTS/HOBYONET)Kooxaha kubadda cagta ee Muqdisho City iyo Fc banaadir ayaa ku kala guuleystey horyaaladii heerarka 2-3aad ee dalka somalia kaasi oo ay soo agaasimeen xiriirka kubadda cagta ee Somalia kana socdey garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan.

 

Kooxda Fc banaadir oo ka ciyaareysay horyaalka heerka 3aad ee dalka ayaa urursatey dhibacaha ugu badan ee labada is arag ee horyaalka oo 9 kooxood ay ka qeybgalayeen, waxayna keensatey 35 dhibcood labadii is arag.

 

Fc banaadir oo 35 dhibic ku qaadey horyalka ayaa waxay u suurta gashey in ciyaartii ugu danbeysey ee horyaalka ee ay wada yeesheen kooxaha DBG iyo Qodxaaley ay guushu raacdey qodxaaley oo 2-1 ku garaacdey DBG oo hadii ay adkaan lahayd sidaasi iyadu loogu caleemo saari lahaa horyaalka maadaama ay lahayeen 33 dhibic laakin la garaacey kulankan oo ahaa mid horey ugu baaqdey.

 

Gudoomiyaha iyo Tababaraha kooxda Fc Banadir oo aan la xiriirey dhamaadkii kulankii Qodxaaley iyo DBG ayaa ii sheegey inay alle ka sokoow aad ugu mahadcelinayan dhamaan Taageerayaasha iyo ciyaaryahanada FC banaadir oo dadaal usoo galay hanashada koobka, waxaana ay xuseen in damaashaadyo waaweyn ka dheceen halka kooxdu ka dhisan tahay ee degmada Waaberi dhowaana xaflad weyn ay qaban doonaan.

 

Dhinaca kale horyaalka heerka 2=aad ee B ayaa waxaa ku guuleysatey kooxda Muqdisho City markii ay urursatey 29 dhibic labadii weji ee horyaalka, waxaana ku soo xigtey oo 2-aad gashey kooxda Savaana.

 

Kooxaha Fc Banaadir iyo DGB ayaa u soo gudbey heerka horyaalka kooxaha heerka 2-aad ee B, dhinaca kale kooxaha Muqdisho City iyo Savaana ayaa soo tiigsadey heerka 1-aad ee A, iyadoo halkaasi ay ka laabteen kooxihii Bad Baado iyo Saxafi oo heerka B u dhashey.

 

Tartamada horyaalada kubadda cagta ee heerarka 1-aad 2-aad iyo 3-aad ayaa waxaa sanadkan lagu dhameeyey oo lagu qabtey garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan iyadoo garoomadii dalka aysan suurtagelin in lagu ciyaaro sanado dhowr ah dagaaladii dalka gaar ahaan caasimadda ka jirey darteed.

 

By C/xafiid Zaciimka

Sports Writer in Muqdisho

Recent Comments

    Comments are closed