Wabixin Dheer oo Ku Saabsan Sanadkii Tagay iyo Marxaladihii Ay Soo Martay Galmudug 2012
GALKACYO/HOBYONET)Waxaan Halkaa Idin kugu Soo gudbin Doonaa Marxaladihii Kala Duwanaa ee ay Soo Martay Dowlad Gobleedka Galmudug,dhinaca Horumarka laga Sameeyay iyo Qaabkii ay sanadkaa Ahayd Siyaasada Galmudug . Xuquuqda Qoraalka Cali Maalin Nur Hobyonet.com
DHANKA SIYAASADA IYO QAABKII AY SOO MARTAY
Hadaba Bilowgii Sanadkii 2012ka 8dii Jan. waxaa lagu Guulaystay Xalinta Qilaaf u Dhexeeyay Xukuumadii Xiligaa Uu Hogaaminayay Madaxweyne Max’ed Axmed Caalin iyo Golaha Wakiilada oo Mudo uu soo Jiitamayay Qilaafkooda waxaana Xalinta Arinkaa ku Guulaystay Siyaasiyin Iyo Aqoonyahano ka soo Jeeda Galmudug kuwaa oo uu Hormuud u ahaa Alaha U Naxariistee Xaaji keeysh oo ka mid ahaa Cuqaashii iyo Siyaasiyintii Galmudug ee Wadanka Kenya Ka Yimid,waxaana Xusid Mudan in Sidoo kale ay ka mid ahayeen dadkii Sida weyn Gacanta Uga gaystay Xalinta Qilaafkii Labada gole ee Galmudug xilgaa Ka dhexjiray,Pro:Cali Xaashi Dhoore,jen.Madaxweynaha Hada Talada haya ee Galmudug Jen.Cabdi xasan Cawaale Qaybdiid,Pro:Max’ed Faarax Jimcaale,Maryan dagaari iyo Siyaasiyin iyo Wax Garad kale oo aad u farabadnaa waxayna ku Guulaysteen in ay Meesha Ka saran Isfaham waagi u dhexeeyay Labada gole ee Maamulka Galmudug kadib dadaal iyo Isku Tanaasul ay Ka dhex abuuren golayaashii Dowlada.
Isla sanadii 2012ka Bishii Feb. Waxaa Madaxweynihii Hore ee Galmudug Max’ed Axmed Caalin uu ka qayb galay Shir looga Hadlayay Arimaha (ROAD MAPKA) Ama TUBTA QARIIRADA NABADA waxaana Shirkaa uu ahaa Mid ahmiyad weyn ugu fadhiyay Galmudug Maadama ay Xubin ka ahayd Saxiixayaashii Tubta Qariirada Wuxuuna Madxweyne Caalin Xiligaa Galmudug Shirka Uga Soo hooyay Guulo muhiim ah isagoo Doorka Galmudug ku Leedahay Dowladii KMGda ahayd iyo in Beesha Caalamku Ogaato Galmudug in ay Tahay Maamul ka Taliya Gobalo kala Duwan. Xuquuqda Qoraalka Cali Maalin Nur Hobyonet.com,
Sidoo kale Bishii Mach ee 2012 waxay Odayaasha Dhaqanka Galmudug Bilaaben Qaabki ay u soo Xuli lahayen Mudanayaasha Baarlamanka Galmudug ee Ka mid Noqonaya Maamulka Cusub iyagoo Mudo ku Mashquulsanaa Qaakii ay Beelaha Galmudug Uga Soo Dhex Xuli lahayeen Xubnihii u Matali lahaa , Intaasi Kadib wuxuu Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug C/samad Nuur Guuleed Magacaabay Gudiga Doorashada Madaxweynaha , Bishii Ju. 2012 waxayna gudigii doorashadu soo bandhigeen Shuruudo laga doonayo Cidda Ka mid Noqonaysa Baarlamaanka Cusub ee Galmudug kuwaa oo ahaa in uu Yahay Qof aqoon Buuxda leh loona eegi doono Shaqsi kasta Habka uu yahay CVgiisa ama Shahaadada uu Haysto iyo Qibrada aqooned ,Balse Waxaa arinkaa Ku gacan sayray Golaha Garsoorka Galmudug oo ah Marjaca Kama danbeystaa ee Laga Tala qaato waxayna sheegen in aan loo eegin Mudanayaasha Baarlamanka kaliya dhinaca Aqoonta maadiga ah ee lagu daro in uu Leeyahay Aqoon Dhinaca Diinta ah waxaana Kolkii danbe la isla Meel Dhigay in Dhan kasta laga eego taa oo lagu guulaystay Si buuxda loo Soo Xulo Baarlamaanka Galmudug Bishii Jun.Dabayaqadedii Inkastoo ay hadana Jireen Qilaaf Dhanka Qabsoomida doorashada ah Madaxweynihii Hore ee Galmudug Max’ed Axmed Caalin oo Xiligaa Talada hayay Walow uu Dalka ka maqnaa ayaa Qabay fikir ah in doorashadu Dhacdo Feb:2013 . waxaana Arinkaa abuuray Jahawareer Siyaasadeed oo Ka aloosmay Galmudug . Xuquuqda Qoraalka Cali Maalin Nur Hobyonet.com,
Waxay arintu Socotaba waxaa Si rasmi ah loo Dhaarshay 1dii Jul.2012 Baarlamaanka Galmudug ee Sadexda Sano Soo Socota waxayna gudiga doorashadu Qabteen Xaflad Weyn oo loogu talagalay in Shacbka iyo Masuuliyinta Lagu Hor dhaarsho waxaana Waqtigaa Si rasmi ah loo dhaarshay 23mudane waxayna Golaha Baarlamaanku Doorteen gudoomiye iyo Kuxigen Waxayna u Doorteen Xasan Max’ud Hayl Gudoomiyaha , iyo Gudoomiye kuxigeen oo ay u Doorteen cabdi Cali Ruush ,iyadoo ay jireen tiro ka dhimanayd Golaha Baarlamaanka Galmudug oo ka Koobnayd Xiligaa 25mudane Sidii Xiligaa Ku Qornayd dastuurka Galmudug ,labada Mudane ee Ka Maqnaa madasha ayaa Ka danbeysay Qaar ka mida Beelaha Galmudug oo xiligaa ka dhex jirtay is qaqabsi Cida u Matalaysa Xubnaha ay Ku Yeelanayaan Maamulka Cusub.
Gudigii doorashada ayaa guda galay In ay Diyaariyan Qaabka ay u dhacayso doorshada Madaxweynaha Galmudug waxaana Intii Badnayd Meesha ka Baxay Qilaafki Dhanka doorasha ahaa iyadoo ay Bilaaben Gudiga doorashadu in ay qabtan Waraaqaha Musharixiinta Si ay u hubiyaan waxaana Xiligaa U sharaxnaa Qabashada Xilka Madaxweynenimo ee Galmudug
- C/samad Nuur Guuleed
- Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid
- C/risaaq Xusen Geedi
- Max’ud Cabdi Cilmi
- Cali Baashi
- C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor
Waxaana Xiligaa Gudigii Doorashada u soo gudbiyay Waraaqaha Ka qayb Galka Tartanka Madxweynenimo Labo Masuul oo Kala ahaa Jen.Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyo C/samad Nuur Guuled waxaana Si toosa u tana Sulay C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor oo Fagaare ka sheegay in uu ka Tanasulay Tartankii Madaxweynenimo ee Galmudug ,halka Musharixiintii kale ay Ka biya diiden qaabka doorashadu u dhacayso, waxayna Gudiga doorashadu ku dhawaaqen in ay dhacayso Doorashada Madaxweynaha Galmudug 14Aguesto 2012 waxaana Munaasabad Heer sare ah oo lagu Qabtay Hotelka Embassy ee K/ Magaalada Galkacyo Mudanayaasha Baarlamanka Galmudug ku soo xaadireen holkii doorashadu ka dhacaysay, Xuquuqda Qoraalka Cali Maalin Nur Hobyonet.com, waxaana Bilaabatay in ay Codeeyaan Mudanayaasha Baarlamanka iyadoo ay ku Haratamayen Xilka Madaxweynaha Galmudug ee Sadexda sano soo Socota Labada Masuul eek ala ahaa Jen.Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyo c/samad Nuur Guuleed,Codaynta oo U dhacaysay Qaab qarsoodi ah ayaa markii ay Codeeyen Dhamaan Xubnihii Baarlamanka ee Madasha ku sugnaa,waxay Gudiga doorashu bilaaben Tirinta Codadka kadibna Gudoomiyihii Gudigii doorashada C/qaadir Max’ed Shirwac ayaa Soo bandhigay Sida ay codadka u kala heleen labada Musharax wuxuuna ku dhawaaqay in 21Cod uu helay Cabdi Xasan Cawaale qaybdiid Halka C/samad Nuur Guuled uu helay 1Cod waxaa halabay hal cod,Intaa kadib waxay gudiga doorashu Natiijada iyo cida Ku guulaysatay in ay Shaaciyaan u gudbiyeen Golaha sare ee Garsoorka oo Madasha Doorashadu ka Dhacaysay Fadhiyay waxaana ku dhawaaqay Natiijadii Gudoomiyaha Garsoorka Galmudug Sh.Axmed Sh.Yuusuf (Ilka Dahab) wuxuuna Sheegay in uu yahay Madaxweynaha Sadexda sano ee Socota Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid Sidaa ayay u dhacday doorashadii Madaxweynaha ,waxaa Sidoo kale Isla goobta Laga bilaabay Doorashada Madxweyne Ku Xigeenka oo uu isku soo taagay C/samad Nuur Guuleed waxayna dhamaan Baarlamanku u Codeeyen C/samad nuur Guled iyadoo isla markaana Xaflada Lagu Dhaarshay Madxweynaha iyo Kuxigeenkaba waxaana Xaflada Doorashada Ka soo qayb galay Masuuliyin Kala Duwan oo Ka kala Socday Dowladii KMGda ahayd iyo Maamulka Puntland iyo Ahlusuna iyo shacab aad u fara Badnaa.
Kadib doorashii madaxweynaha Galmudug ee sadexda Sano oo ah 2012-2015 ayuu Madaxweyne qaybdiid oo ku guulaystay Kursiga wuxuu bilaabay in uu Kormeer ku sameeyo Inta Badan Deegaanada Galmudug isagoo Magaalada Galkacyo ka anbabaxay 22/8/2012 kadib isagoo Madaxweyne ah Mudi 8maalmood oo kaliya wuxuuna Kormeerka Uga Gol lahaa Sidii uu ugu kuur gali lahaa Rabitaanka Shacabka Galmudug ee Xukuumadiisa cusub iyo In Dadka reer Galmudug Laga Dhaadhiciyo Hanaanka Dowladeed iyo In Galmudug ay gashay Waji Cusub wuxuuna Madaxweyne Qaybdiid Degmooyinkii uu Booqday inta Badan u sameeyay Balnqaadyo Kala Duwan maadama ay Ka jireen Baahiyo Kala Duwan Qaar ka tirsan deegaandii uu kormeeray ,Madaxweynaha oo Socdaal Dheer ku sameeyay Inta Badan deegaanda Galmudug ayaa Safarkiisa Soo gunaanaday 30kii Augusto.
Madaxweyne Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa Kadib indha indhayntii uu Ku Soo Sameeyay deegaanada Galmudug wuxuu guda galay in uu Soo Dhiso Golaha Wasiirada ee Xukuumadiisa Cusub isagoo Bishii September ee 2012ka Magacaabay 5wasiir oo hordhac u ahayd Xukuumadiisa ,wuxuuna Balan qaaday in uu ku soo Dhamaystiri doono Mudo kooban sidoo kale Madaweyne Qaybdiid ayaa Bilaabay olole Lagu Dhisayo Xaruumaha Dowlada taa oo Shacabka uu ka Codsaday in ay ka qayb qataan ,wxuuna Madaxweyne Qaybdiid oo Mudo yar haystay Mudo kadib isla Sanadka 2012ka Gudihiisa soo idleeyay Intii Badnayd Xukuumadisa ,waxaana Bilaabatay Isla Bidhii September bilowga Dhismaha Madaxtooyada, Xasbisi iyo Xarunta Baarlamaanka Galmudug waxayna Bulshada Galmudug Kuwoda Qurbaha Ku nool Iyo Kuwa gudahuba Bilaaben in ay Ka qayb qaatan yagleelida Madaxtooyo Ay Galmudug yeelato, Xuquuqda Qoraalka Cali Maalin Nur Hobyonet.com, waxayna Mudo 90maalmood ah ku Guulaysteen Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdi Qaybdiid iyo Shacabka Galmudug in la dhiso Xarun Madaxtooyo Cusub waxaana Si rasmi ah xariga looga Jaray Madaxtooyada Cusub ee Galmudug 12/12/2012 taa oo Noqotay talaabo aad Muhiim u ah oo ay Ku dhaqaaqday Maamulka Galmudug ee uu majaraha u hayo Madaxweyne Qaybdiid kadib Mudo lix sano ah oo Galmudug ay Ku jirtay Madaxtooyo Kumel gaara ama guryo kiraa Balse ay Noqotay Bishii 12/12/2012 xiligii uu hirgalay hamigii Shacabka iyo Maamulka Cusub ee Galmudug
DHINACA HORUMARKA EE SANADKII TAGAY 2012 GALMUDUG
Wuxuu maamulka Galmudug ku Talaabsaday horumar aad Muhiim u ah kaa oo ah Dhinaca wax barshaada oo aad Kor ugu kacday Sanadkii u denbeeyay Xiligii uu Madaxweyne Max’ed Axmed Caalin hogaanka hayay iyo Xiliga kooban ee Madaxweyne Qaybdiid uu talada hayo waxaa Sidoo kale Meelficana laga gaaray dhanka Caafimaadka iyadoo madaxweynihii Hore ee Galmudug Caalin uu Xaruumo Caafimaad Ka hirgaliyay deegaano ka tirsan Galmudug , Xuquuqda Qoraalka Cali Maalin Nur Hobyonet.com,waxaa kaloo Xusid Mudan Galmudug ay Ku guulaysatay in ay deegaanadeeda ka suuliso burcadbadeeda kadib digniimo Isdaba Jooga oo ay Madaxda Galmudug u direen in kastoo ay jiraan mararka qaar Kuwa Ku yimaada Galmudug si dhuumaalaysi ah ,Galmudug Waxay horumar xoogan ka samaysay Sanadkii tagay Dhanka Shaqada in ay Dhalinta u abuurto shaqo iyo in ay Hay,adda Samafalku Xafiisyo ka furtaan Deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Galmudug ,waxaa kaloo Jira in deegaanada Galmudug Laga Sameeyay Adeegyo Muhiim u ah Bulshada. Xuquuqda Qoraalka Cali Maalin Nur Hobyonet.com
Aqirta yaasheena Sharafta leh Waxaan Ka Codsanaynaa in ay Noo Soo gudbiyaan Wixii Dhaliil iyo Qalad ku jira Qoraalka Maadama aanu Nahay Bini aadam oo Wax Qaldi karno waxaan kaloo u sheegaynaa in aan Warbixinta Soo koobnay ee aysan suuragal wadahayn Soo Gudbinta Dhamaan Wixii sanadka Dhacay.
MAQAALKAN WAXAA IDIN SOO DIYAARSHAY ISKUNA SOO ARUURSHAY:
CALI MAALIN NUR
KALA XIRIIR
TIFATIRAHA HOBYONET.COM CALI MAALIN NUR
Ama Tell:25290647333/252678647333




Recent Comments