GALKACYO-:Cadde Muuse Oo imaatinkisa Galkacyo kadib Ka Hadlay Sababaha uu u yimid
GALKACYO/HOBYONET)Madaxweynihii Hore ee maamul goboleedka Puntland Jen.Max’ud Muuse Xirsi (Cadde) ayaa Kadib kolkii uu soo gaaray magaalada Galkacyo wuxuu ka Hadlay Imaatinkiisa Galkacyo ee Xiligan.
Cadde Muuse ayaa sheegay in uu u yimid Xalinta Qilaafka ka dhex jira Puntland Maadama Puntland ay tahay maamul facweyn isla markaana aan lo baahnayn in la carqaladeyo hanaanka dowladeed ee puntland ayuu yiri cade Muuse oo Saxaafada Kula hadlay gudaha Magaalada Galkacyo.
Wuxuu Sidoo kale Jen.Cadde Muuse ka hadlay dhinaca daris wanaaga ee Labada maamul ee puntland iyo Galmudug wuxuuna ugu baaqay in ay xoojiyaan Wadashaqaynta iyo daris wanaaga,isagoo carabka ku dhuftay in aysan kala Maarmin Dadka wada daga gobalka Mudug loona baahanyahay in ay isku xirnaadan .
Imaatinka Cade ayaa ku soo aadaysa Xili puntland ay la ciir cirayso Qilaaf siyaasadeed oo ka dhex aloosan Maamulka uu Madaxweyne Faroole hogaaminayo iyo Siyaasiyin ka fikir duwan waxaana La filayaa in uu jen.Cadee wax ka badalo arinka cakiran ee hada ka taagan Gudaha maamulka Puntland
Xafiiska Wararka Hobyonet.com Galkacyo
Kala Xiriir cmaalin17@gmail.com



Recent Comments