|

NAIROBI-:Magaalada Nairobi Oo Ciidamada kenya ka Wadaan Qaqabasho iyo Raaf ay ku hayaan Somalida Ku nool Nairobi

 

Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya Ayaa la Sheegayaa in uu ka socdo Howl gal ay wadaan Ciidamada Amaanka ee dalka Kenya, iyadoo howlgalkaani uu yahay mid lagu raafayo dadka soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi.

Ciidamada Amaanka Kenya ee haatan howl-galka wada ayaa waxay ka wadaan xaafadaha ka mid ah islii ee magalaada Nairobi, wuxuuna rafka ugu Xoogan uu Xilligaan ka socdaa Xafada Seven Streat oo ay u Badanyihiin Dadka Soomaalida ah.

Waxaa xaafadda Islii lagu soo daadiyay Ciidamadda Loo yaqaan (Koofiyad Guduudka), waxaana la arkayay iyadoo ay soo qab qabanayaan dad soomaali ah, kuwaasoo qaarkood ay kala soo baxayeen Guryaha ay daganaayeen.

Howlgalkan Raafka ah ayaa waxaa bar bar socda Baaritaano xoogaan oo ay sameeynayaan Ciidamadda Kenya kaa oo xiliyadii U denbeeyay Ay Wadeen Ciidamada wadanka Kenya Balse Howlgala Caawa ayaa ka Duwan kuwii horay ay U samayn Jireen Ciidamada Amaanka Kenya marka laga ego Qaabka ay dadka u aruurinayaan Wariye Osman Duraan oo ka tirsan Websitka Galmuduglive.com ayaa gordhow Hobyonet.com uga Waramay Qaabka uu Howlgalka iyo raafka lagu hayo Somalida ku nool dalka Kenya  Gar ahaan magaalada Nairobi wuxuuna sheegay in Caawa ilaa galabta ay Ciidamada Kenya wadaan Baaritaano iyo Daadgurayn ay ku hayaan Somalida ku nool Xaafadaha Islii iyo xaafado kale oo Soomalidu Ku badantahay .

 

Comments are closed