GALKACYO-:Baarlamaanka Galmudug Oo Maanta Ansixiyay Misaaniyadda Dowlad gobaledka Galmudug ee 2013-2014(Dawo sawirada)
GALKACYO-HOBYONET)Kulan ay yeesheen Baarlamaanka Galmudug ayay kaga Doodeen Ansixinta Misaaniyada Dowlada 2013-2014.waxaana madasha ku soo Xaadiray ilaa 20mudane kuwaa oo Dood dheer ka yeeshay Meel marinta Miisaniyada Sanadka.
Kulanka Oo Ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa Goob jog ka ahaa Wasiirka Maaliyada C/wali Sh.Cali iyo Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamka Mudane .Max’ed Cali Nuur Xaaji waxayna Baarlamaanku Su,aalo waydiyeen Wasiirada.
Kulanka Oo Albaabadu u xirnaayeen ayaa markii uu soo Dhamaaday waxaa Saxaafada Lahadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Wasiirada Maalyada iyo Qorshaynta waxayna Soo Bandhigeen Qaabka Miisaaniyada Galmudug ee Sanadka 2013-2014,ku shaqayn doonto.
Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Xasan Max’ud Hayl Shir gudoominayay fadhiga Baarlamanka ayaa sheegay in ay ansixiyeen Miisaaniyada lagu Shaqaynayo isla markaana ay is wanaagsan uga doodeen golaha Baarlamaanka kadibna ay Su,aalo waydiyeen Wasiirada Maalyada iyo Qorshaynta waxayna Si wada jir ah u soo bandhigeen Wasaaradaha Qorshaynta Iyo Maalyadu Qorshe miisaaniyaded gaaraya
$6751,000 Oo doolarka Maraykanka ah wayna ansixiyeen Dhamaan Mudanayaashii ka Dooday ayuu yiri Xasan Max;ud Hayl Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Dhanka Kale Wasiirka Maalyada Galmudug C/wali Sh.Cali (Rooraye) oo Saxaafadu Su,aalo ka waydiisay Halka Cadadka Miisaaniyada Lacageed ee Intaa Le,eg ka soo galayo maamulka Galmudug oo hada aan lahayn Deked iyo Airpor ayuu ku jawaabay in %80 Daqliga Dowladu noqondoono Canshuuraha halka inta kalena Laga helayo Hay,adaha Caalamka Isla Markaana horay loo dajiyay Qorsha ay ku soo xaroonayso.
Waxaa Isna Sidookale ka hadlay Qaabka ay U maaraynayan Miisaniyada La ansixiyay Wasiirka Qorshaynta Galmudug Max’ed Cali Nuur Xaaji wuxuuna sheegay in Dhaqaalahu %49 lagu Maamulayo Dhinaca Amaanka halka inta Kale ee Soo hartana lagu Maarayn doono Maamulka iyo Horumarinta Dalka ayna Habkii ugu haboonayd ugu jangooyen Daqliga Dowlada Soo gala in lagu maamulo Si Nidaama.
Kulanka ay Baarlamaanka Galmudug ku ansixinayeen Miisaaniyada dowlad Gobaleedlka Galmudug ayaa Ahaa markii ugu Horaysay ee Miisaniyad dhaqaale oo intaa le,eg ay Ansixiyaan Hadana lama oga ida ay suura gal u noqondonto In maamulka Galmudug uu Ku gulaysto helitaanka Daqliga faraha badan ee Mudanayaashu Meel mariyeen .
DAAWO SAWIRADA KULANKA.
HOYGA WARARKA GALMUDUG IYO CAALAMKA HOBYONET.COM
KALA XIRIIR
TIFATIRAHA GUUD EE Www.Hobyonet.com
CALI MAALIN NUR
Tell:25290647333











Recent Comments