GALKACYO-:Qaar ka Mida Ganacsatada Galmudug Oo Dayactir ka wada Wadoyinka K/galkacyo(Dawo Sawirada)
GALKACYO/HOBYONET)Wadooyinka Waaweyn ee K/galkacyo ee Galmudug ayaa waxaa Hada ka socda Dhismooyin iyo Dayactir Xoogan oo ay wadaan qar ka tirsan Ganacsatada Galmudug.
Dayactirka wadooyinka ayaa ah Kuwa kor u qaaday Bilicda Magaalada waxaana hada Dhismuhu Ka Socdaa wadada Loo yaqaan Bile iyo Isgoyka Xiriiriya Labada wado ee Hobyo iyo Golol iyadoo ay Si xowli ah u Socdaan howlaha Dhismaha Wadooyinka.
Waxaa Sidookale Magaalada ka socda Dhismaha Hotelo iyo Xaruumaha Bulshada iyo Dowlada Sida aad Sawirka ka Aragtaan Dhismaha Weyn ee Laga Wado dhismaha wadada waa Hotel ka mid hotelada ugu Waaweyn K/magaalada Galkacyo kaa oo hada Qabyo ah oo ay Socoto Dhismihiisu isla markaana uu ka qayb qadanayo dhismaha Wadooyinka Milkiilaha Hotelkaas oo lagu Magacaabo Cabdul Jaamac Dharas oo Qayb Lixaad leh ka qaadanaya dhismaha Wadoyinka
Waxaa Sidoo kale gacan ka gaysanaya Ganacsatada Suuqa,Dadka ku ganacsada Dhimayaasha saran Wadada kuwaa oo horay u dhisay jardiimo qurux badan oo ku yaal Wadada dhexdeeda iyo dayactir ay horay ugu sameyen qar ka mida wadoyinka halbowlaha u ah Ganacsiga magaalada
Dhismaha Wadooyinka iyo Hotelada ee ka Socda K/galkacyo ee Galmudug ayaa ah kuwa aad u dhiira galinaya Dadka reer Galmudug ee Qurba joogta ah .
DAAWO SAWIRADA.
HOYGA WARARKA GALMUDUG IYO CAALAMKA HOBYONET.COM
KALA XIRIIR
TIFATIRAHA GUUD EE Www.Hobyonet.com
CALI MAALIN NUR
Tell:25290647333











Recent Comments