|

GURICEEL-:Maamulka Dagmada Guriceel Oo Hay,adaha Samafalka Ka Codsaday Gargaar lala soo garo Cisbitaalka Degmadaasi

 

GURICEEL-HOBYONET)Maamulka dagmada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay si dag dag ah Adeeg caafimaad u soo gaarsiiso Cisbitaalka Magaaladaasi.

Hey’ada MSF oo ka howgeli jirtay cisbitaalada gobolada dhexe oo dhawaan Hakisay howlaha cisbitalka guud ee magaalada Beledweyn, ayaa hadana Shaacisay in ay joojineyso howlihii ay ka heysay cisbitalka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud dabayaaqada bishan.

Gudoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise ‘’Taardhuleed’’ oo la hadlay Warbaahinta  ayaa ka dalbaday hey’adaha samafalka in ay gurmad la soo gaaraan Cisbitalka degmadaasi, si aysan u istaagin adeegyada caafimaad ee cisbitaalku u Qabto bulshada.

Cisbitalka degmada Guriceeel ayaa waxaa uu ka mid yahay cisbtitaalada ugu Waaweyn gobolka Galgaduud, kaas oo adeegyo caafimaad u qabta dhaawacyada Iyo bukaanada kaladuwan ee soo gaara cisbitalkaasi.

Hay,adda Dhaqaatirta aan Xuduuda Lahayn ayaa Inta badan gobalada Somaliya Sheegtay in ay Joojin Doonto Adeegyada Caafimaad ee ay u Haysay Bulshada waxaana jira in shaqaale ka tirsanaa Hay,adda MSF laga Afduubay Xirada Qaxootiga ee Dhadhaab kuwaa oo wali ku jira Gacanta Burcadii afduubtay waxayna Saraakiisha MSF Codsadeen todobaad ka hor in la soo daayo.

Comments are closed