Geeri Naxdin Leh Oo Kadhacday Gawaan Iyo Xaaladda Degmadaas Oo Dagan
Dadka maantay lagu dilay Gawaan ayaa loo dilay sida ay wararku sheegyaan dil laba cisho kahor magaalada gawaan kadhacay kaasi oo loo gaystay nin dhalinyaro ahaa oo kadmi ahaa wada yaasha gaadiidka qaada qaadka
Wararka ka imaanaya Gawaan ayaa tilmaamya in Ehelada dhalinyaradii maantay lagu dilay gawaan iyo Eheladii ninkii horay loo dilay oo loo hayay in ay ka dambeeyeen ragaan ay isku fahmi waayeen habkii sharciga loo waafajin lahaa dadkaan lagu ee deeyay in ay ka dambeeyeen dilkii ninka dhalin yarada ahaa
Magaalada Gawaan oo ay kadheceen dilalka waxa ay kamid tahay meelaha uu ka arimiyo maamulka galmudug hasa yeeshee wali kama uusan hadlin wixii kadhacay gawaan ee ahaa dilal is xig xigay
Sikastaba dilkaan maantay ka dhacay gawaan waxa uu noqonayaa midkii ugu horeeyay oo dad lagu ee deeyay in ay dileen nin dhalinyaro ah isla goob lagu dilay



Way wanaagsantahay in qofkii si kas ah wax u dila isna la dilaa ,
Laakiin maahan in qofku sharciga gacantiisa ku samaysto ,
Anigaa xukumaya anigaana xukunkii fulinaya ma shaqaynayso .
Si aan dhib kale u imanin waa sababta loogu baahday in la helo
Maamul ama dowlad dambiilaha qabata hadana maxkamadaysa
Kadibna wixii lagu xukuma ku fulisa .