|

Naadiga Galkacyo Oo 1-0 Uga Badiyay Naadiga Galdogob Kadib Ciyaar Ku Dhexmartay Garoonka C/laahi Ciise Max’ud

ci1

(SPORTS-HOBYONET)Waxaa Garoonka C/laahi Ciise ee K/magaalada Galkacyo ka dhacay  Ciyaar Sxbtinimo oo u dhexeysa Labada Team ee Galkacyo Iyo Galdogob,waxayna Labada Nadiba Muujinayaan Ciyaar wanaag, waxaana Hada garoonka Ku sugan Boqolaal Dadweyne Usoo daawasho tagay ciyaarta  Oo Hada Soo Gaban Gabowday intii ay Socotay ciyaartu waxay Labada Kooxood Mid walba Muujinaysa Ciyaar wanaag Iyo in ay Hesho Fursado guul ah waxaana Koox Kasta Soo martay Fursado Badan Inkastoo Haf tamekii Hore aysan Wax gool ah Iska Dhalin Labada Kooxod ,

Balse Dhamaadkii Ciyaarta  ayaa waxaa Naadiga GALKACYO waxaa U suura gashay In ay dhaliyaan Gool waxaana goolka U dhaliyay Ciyaaryahanka u ciyaara Xulka Galkacyo Max’ed Nuur  waxayna Ciyaartu ku Soo  Idlaatay 1-0 ay Guushu ku raacday  Naadiga GALKACYO. 

Sidoo kae waxaa Iyaguna Ciyaar Wanaag Muujiyay Naadiga Galdogob oo a Soo baxay Ciyaar Dar dar leh Haf Timekii danbe Walow Aysan Helin fursado gool .

Kulanka Sxbtinimo ee Galabta dhexmaray Labada Naadi Ayaa waxaa Soo Qaban Qaabiyay Wasaarada Ciyaaraha Galmudug Oo uu Hormuud u Yahay Wasiirka Ciyaaraha Galmudug Saadaq Daahir Mire wuxuuna Mudane Saadaq sheegay Kadib Ciyaarta Galabta ay qabteen in ay Wadaan kulamo kale Oo Sxbtinimo iyo Koobab ay U furayaan Bulshada Gobalka kaa oo u jeedkiisu Yahay In ay Isdhexgalka Bulshadu Noqdo Mid waara iyo in ay Dhalinyarada Gobalku Isku Duubni muujiyaan

 

Ciyaarta oo ahayd Mid Sxbtinimo ayaa waxaa Galabta Ciyaarta Daawanaya Oo Goob jog ahaa Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug Mudane Saadaq Daahir Mire ,Masuuliyin Ka Socota Bahda Sportska Puntland iyo Qar Ka tirsan Maamulka Galmudug Iyo C/qani Jeenyo Oo Ka Mid Bahweynta Sportska Soomaliya.

Kolkii ay Ciyaartu Soo Idlaatay ayaa Hobyonet.com waxay wax Ka waydiisay Shucuurtoda Iyo Sida ay U arkaan Ciyaarta Galabta dhexmartay Labada Naadi Qar ka mida Ciyaartoydii U dheelaysay Naadiyadii Ku herdamay Garoonka C/laahi Ciise Max’ud  Oo lagu Magacaabo Siciid Xaashi Xogolof  Oo Ka mida Xidigaha GALKACYO wuxuuna u sheegay in ay Ku faraxsanyihiin Kulanka Galabta Dhexmaray iyaga iyo Naadiga Galdogob wuxuuna Intaa Siciid Jaani Ku daray In ay Ciyaarta Galabta Ahayd Mid Qiimo weyn Ugu Fadhida Bulshada Gobalka isla Markaana ay Kulan Kale Xulka Galdogob Kula Dheeli Doonaan Magaalada Galdogob.

Sidoo kale waxaa ciyaarta galabta Soo Dhaweeyay  Dhamaan masuuliyintii Ka qayb gashay iyo Shacabkii daawanayay waxayna Ku tilmamen in ay tahay isdhexgal Bulshada loona Baahanyahay in Markasta La qabto

 

 

HOYGA WARARKA GALMUDUG IYO CAALAMKA  HOBYONET.COM

                      KALA XIRIIR

TIFATIRAHA GUUD EE Www.Hobyonet.com

CALI MAALIN NUR

Cmaalin17@gmail.com 

Hobyoeditor1@gmail.com

Tell:25290647333

 

Recent Comments

    Comments are closed