GALKACYO -:Gudiga Diyaarinta Golaha Deegaanka Demada Galkacyo Oo Ka Warbixiyay Mesha Ay Marayso Howlihii Deegaanka(Warbixin)
(GALKACYO-HOBYONET)Gudoomiyaha Guddiga Diyaarinta Golaha Deegaanka Degmada Galkacyo C/wali Sh. Cali Rooraaye iyo Kuxigeenkiisa Max’ed Mahad Gaaraxo Oo Maanta Shir Jaraa,id Si wada jira ugu Qabtay Magaalada Galkacyo ayaa ka warbixiyay Habka ay u socdaan Diyaarinta Golaha deegaanka Iyo Doorashada Duqa Degmada wuxuuna ugu horay ka Hadlay Mudane C/wali Sh. Cali in Xiligii Horay ay u shaaciyeen ee la qaban Lahaa doorashada ay Dib U dhacday Sababa Dhinaca Farsamada ah oo ay Hada Wadaan Siminaaro la Siinayo Golaha Deegaanka Isla Markaana uu Madaxweynuhu Soo Magacaabi doono Guddiga Doorashada Kuwaa oo Qaban Doona doorashada Duqa Degmada Mar Wax laga weydiiyay Sababa Keenay Dib u dhaca Ku yimid Qabsoomida Doorashada oo Ku beegnayd 1da Febraayo in ay Jiraan Caqabada ku yimid Guddiga ayuu ku jawaabay in aysan Jirin wax Caqabad Iyo Qilaaf toona balse ay Ku Timid Diyaarinta Golaha Deegaanka Oo waqti dheeraada u Baahday iyo Gudiga Doorashada Oo loo Cayimayo Waqti ay Ku qabtaan wuxuuna Intaa Ku Daray in ay Doorashadu Dhacayso Bilowga Bisha fooda inagu soo Haysa.
Waxaa Isna Dhankiisa ka Warbixiyay Hanaanka Diyaarinta Golaha Deegaanka Gudoomiya Kuxigeenka Guddiga Diyaarinta Max’ed Mahad Gaaraxo Oo Xusay in ay Wadaan shaqadii loo igmaday Isla Markaana loo Baahanyahay in wax kasta loo Maro Habkii loogu tala galay Balse aan la deg degin wuxuu kaloo xusay in uu MaamulkuWado qorshayaal kale oo ay Ku Doonayan in ay Degma kasta Oo Galmudug katirsan ugu Samaynayaan Gole Deegaan Oo iyagu Iska Soo dhexdoorta Gudoomiye taa oo Hada Laga Bilaabay Galkacyo Samaynta Gole deegaan Oo doorta gudoomiyahoda waa Talaabo loogu tala galay In Shacabku Keensadaan Shaqsi ku Yimaada Rabitaankoda ayuu Yiri Max’ed Mahad Gaaraxo gudoomiye Ku xigeenka Guddiga diyaarinta Golaha deegaanka Degmada Galkacyo.
Nidaamka Diyaarinta Golaha deegaanka Degmada Galkacyo ayaa Dhawaanahan ka socday Magaalada waxaana jira Tiro Musharixin U taagan Qabashada Xilka Maayarka Magaalada wallow Shuruudo adag La Hor dhigay Shaqsiga doonaya In uu Noqdo Duqa Degmada.
HOYGA WARARKA GALMUDUG IYO CAALAMKA HOBYONET.COM
KALA XIRIIR
TIFATIRAHA GUUD EE Www.Hobyonet.com
CALI MAALIN NUR
Tell:25290647333




Recent Comments