GALKACYO-:Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug C/samad Nur Guled Oo Galkacyo Lagu Soo Dhaweeyay(Daawo Sawirada)
(GALKACYO-HOBYONET)Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Galkacyo Lagu Soo Dhaweeyay Wafdi Galmudug oo Ka Koobnaa Wasiiro,Xildhibaano Iyo Aqooyahano kuwaa Oo Mudo 20Cisha Ah Ku Sugnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya
Wadfiga Galmudug ee Ka Soo Baqoolay Muqdisho ayaa waxaa Gagada Diyaaradaha Magaalada Galkacyo Ku soo Dhaweeyay Qar Ka Tirsan Golayaasha Xukuumada Iyo Baarlamaanka Galmudug,Saraakiisha Ciidanka Galmudug,ururada Bulshada iyo Boqolaal dadweyne ah kuwa Oo Ka hor Intii aysan Wafdigu Soo Gaarin Garoonka ku Sugayay.
Kadib markii Wafdigu ay Soo Gaareen Magaalada Galkacyo ayaa waxaa Saxaafada Uga warbixiyay waxyaabihii U soo qabsoomay Iyo Ujeedada Safarkooda Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug C/samad Nur Guuleed wuxuuna Sheegay In ay Muqdisho U aadeen Sidii ay Dowlada Dhexe ee Soomaliya Ugala Hadli lahayeen Wadashaqayn toosa oo Dhexmarta Dowlada Soomaliya iyo Maamulka Galmudug wuxuuna Xusay In ay Kulamo La qaaten Ra,iisul Wasaaraha Soomaliya,Gudoomiyaha Baarlamanka,Qar ka mida Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowlada isagoo Sheegay in ay Kulankii ay La yeesheen Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Pro:Max’ed Cismaan Jawaari ay kaga wada hadleen Qaabki ay Labada Baarlamaan ee Soomaaliya Iyo Maamulka Galmudug iskugu xirnaan Lahayeen wuxuuna intaa ku daray in uu Gudoomiye Jawaari Balan Qaaday in Ay Baarlamaanka Galmudug Siin Doonaan Siminaaro iyo in ay U Dirayaan Xubnaha Baarlamaanka ee Soomaliya Gobalka kasta inta ay ku jiraan Mudadooda Safarka ah si ay ugu kuur galaan Xaaladaha Dhamaan Deegaanada Soomaliya Madaxweyne kuxigenka ayaa Xusay in Kulankii ay la yesheen Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Ra,iisul Wasaare Saacid Ku guuleysten in ay Dhamaato Nux nuxdii ka dhex jiratay Galmudug isla Markaana ay Dowlada Soomaliya Si Rasmi ah u aqoonsatay Maamulka Galmudug ee Uu Madaxweynaha Ka yahay Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayuu Yiri C/samad Nur
Sidoo kale C/samad Nuur Guuleed Madaxweyne kuxigenka Galmudug ee hor Kacayay Wafdiga ayaa sheegay in ay Kulamo La qaateen Qaar Ka mida Masuuliyinta iyo Wax garadka ka Soo jeeda Gobalada Dhexe ee Soomaliya kana wada hadleen Qaabka loo Samaynayo maamul Ay ku Midaysanyihiin Gobalada Dhexe taasna ay Isku Afgarteen In la Qabto Shirweyne Lagu Dhiso Maamul guud isagoo Intaa Ku daray in ay Soo Dhaweeyen Kulanki Ay Galmudug horay ula qaadatay Ahlusunna wuxuuna Ugu denbeyn Sheegay in ay Wax kasta meel Isla Dhige.
Imaatinka Wafdigan ee Mudada Ku Sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya Xili Maamulka Galmudug uu Wado Qorshe lagu dhisayo Dekad iyo Balaarinta Maamulka iyadoo Aqoonsiga Dowlada Soomaliya ay Siisay Maamulka Galmudug ee uu Majaraha u Hayo Jen.Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa Noqonaya mid Meesha ka Saaraya Qilaaf Siyaasadeed Oo Galmudug Ka dhex Abuurma.
HOYGA WARARKA GALMUDUG IYO CAALAMKA HOBYONET.COM
KALA XIRIIR
TIFATIRAHA GUUD EE Www.Hobyonet.com
CALI MAALIN NUR
Tell:25290647333



















Recent Comments