|

Ra,iisul Wasaare Saacid Iyo Wafdi U Horkacayo Oo Socdaal lama filaa ku Gaaray Marka

 

 

(MUQDISHO-HOBYONET)Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta safar kedis ah ku tagay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose waxaana safarka R/wasaaraha ku wehlinaya wasiirada gaashaandhiga,arimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo maaliyada iyagoona waftigani ay xiligan wadahadalo kula leeyihiin  magaaladaas waxgaradka ,masuuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan  magaalada Marka.

Socddaalka Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shiir Doon Saacid oo aan lasii shaacin ayaa ahaa mid ka duwan safaradii ay gobolada ugu ambabixi jireen masuuliyiinta sar sare ee dowlada Soomaaliya  maadaama uu safarka maanta ahaa mid ay ku mareen dhanka dhulka waana markii labad ee uu Raysal wasaare Saacid safar uga boxo magaalada Muqdisho socdaalkii kan ka horeeyey ayuu ku tagay degmada Afgooye ee isla gobolka Shabeelaha Hoose.

R/wasaaraha ayaa waxaa kamid ah waftiga la socday wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed,wasiiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi,wasiirka Maaliyada  Max’ed Xasan Saleebaan,taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini,taliyaha Ciidanka booliska soomaaliya Shariif Sheekh Unaa Maye iyo agaasimaha hay’ada nabad sugida qaranka Soomaaliyeed Axmed Macalin Fiqi .

Marka ay soo idlaadaan kulamada uu R/wasaaruhu la qaadanayo qeybaha bulshada Marka ayaa la filayaan in R/wasaare Saacid uu ka warbixiyo socdaalka uu ku gaaray magaaladaas

Mana Jirto wax war Horudhac ah Oo ilaa Iyo Hada Ka soo Baxay Arimaha Ay Kawada Hadleen Wafdiga Ra,iisul wasaaraha iyo Masuuliyinta Uu Kulanka la yeeshay

Wixii Warar Ah ee Ka Soo Baxa Kala Wararkeena Danbe

Www.hobyonet.com

Muqdisho-Somaliya

Hobyoeditor1@gmail.com

Recent Comments

    Comments are closed