GALKACYO -:Talaalka Xoolaha Oo Deegaanada Galmudug Ka Socda(Warbixin)
(GALKACYO-HOBYONET)Waxaa Deegaanada Galmudug Ka Soconaya Mashruuc Lagu Talaalayo in kabadan 50kun oo Neef Kuwaa oo laga Dawaynayo Cuduro Kala Duwan.
Mashruuca Lagu Talaalayo Xoolahan Ayaa Waxaa fulinaya Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa Oo Gacan Ka helaysa Hay,adda IRC.wuxuuna Talaalkan uu bilwdan 28 Bishan Kaa ilaa iyo Hada Si Xoogan Uga Socda Deegaanada Galmudug.
Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha dhirta Iyo Daaqa Mudane Axmed Shariif Cumar Max’ud Oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay Wadaan Mashruuc Lagu Talaalayo Xoolaha Jiran iyo Kuwa Ku Dhaqan Dhulka Cayayaanka Xoolaha laga helo wuxuuna intaa Ku daray in ay Wadayaan Howlahan Dabar goynta Cudurada Ku dhaca Xoolaha Mudada loogu Talagalay Isla Markaana ay ka fulin Doonaan Dhamaan deegaanada Galmudug.
Dhanka kale Wasiirka ayaa ka Hadlay Jarista Dhirta Qoyan Wuxuuna Sheegay in aysan u dul qaadan doonin Jarista dhirta Cidii Lagu qabtana la Ganaaxi doono wuxuuna Digniin u diray Gawaarida Soo Qaada Dhuxusha oo uu Yiri Waxay hormuud Ka yihiin Xaalufinta Deegaanka Gaarigii Lagu Helo talaabadana waxaa Qaban Doona ciidamada Maamulka ayuu yiri Axmed Shariif Cumar Max’ud Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa Galmudug.
Mahan Markii Ugu Horaysay ee uu Ka Digo Maamulka Galmudug Jarista Dhirta waxaana Horay Shacabka Galmudug Uga digay Jarista Dhirta Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid Balse waxay u Muuqataa Mid aysan Dadka Ka shaqaysta Dhuxusha iyo Jarista Dhirta aysan Dhag Jalaq u siin.
ISHA WARARKA WWW.HOBYONET.COM
KALA XIRIIR
TIFATIRAHA GUUD EE WWW.HOBYONET.COM
Tell:25290647333




Recent Comments