|

LONDON–:Madaxweyne Xasan Shekh Oo Kulamo Xasaasi Ah La yeeshay Qar Ka mida Masuuliyinta Dowlada Ingiriiska

 

(LONDON-HOBYONET)Madaxweynaha DF.Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi heersare ah oo howl shaqo u jooga London ayaa maanta kulamo la qaatay saraakill sar sare oo ka tirsan dowladda Ingriiska.

Kulamadaan ayaa waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay R/Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Faarax Sh. Cabdulqaadir, la-taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa saaka qaabilay saraakiisha ugu sarreysa xagga amniga ee dowladda Ingiriiska, waxaana halkaas looga hadlay qaabkii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa nabadda, Amniga ayaa wuxuu kow ka yahay Lixda tiir Sayaasadeed ee dowladda Soomaaliya

 Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu la kulmay hey’adda u qaabilsan dowladda Ingiriiska, dhanka horumarinta.Goobtaas wuxuu Madaxweynaha ka sharaxay qaabka ay dowladda Federaaalka Soomaaliya ku dooneyso in ay u geyso  adeega bulshada gobolladda dalka oo dhan iyo in ay Ka Shaqayso Horumarka Dalka.

ISHA WARARKA  WWW.HOBYONET.COM

                      KALA XIRIIR

TIFATIRAHA GUUD EE WWW.HOBYONET.COM

Cmaalin17@gmail.com 

Hobyoeditor1@gmail.com

Tell:25290647333        

Comments are closed