|

WAR DEG DEG AH:Mid Ka Mid Ah Salaadiinta Puntland Oo Boosaaso Lagu Dilay

deg deg hobyo

(GAROOWE-HOBYONET)Waxaa Maanta Guudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu dilay Suldaan kamid ah Salaadiinta Beesha Ugaar Saleebaan.kaas oo si weyn looga yaqaanay deegaanada Puntland Isla Markaana Ku jiray.

Suldaanka la dilay oo lagu magaacbi jiray Suldaan Muuse Faarax Muuse(Onkod) ayaa laba dhalinyaro ah oo hubaysan waxay ku toogteen Suuqa Sarifka ee magaalada Boosaaso wuxuuna Ku naf baxay Goobtii lagu toogtay Sida ay sheegeen dad xog ogaal ah.

Labada dhalinyarada ah ee Suldaan Muuse Faarax Muuse dishay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana maydka Suldaanka loo qaaday Isbitaalka weyn ee Bandarqaasim Hospital.

Ciidamada amniga oo dilka marka uu dhacay soo gaaray goobta lagu dilay Suldaanka ayaa bilaabay baaritaan ku aadan sidii ay kusoo qaban lahaayeen cida dishay, waxaana weli socda baaritaan xoogan.

Alaha U Naxariistee Suldaan Muuse Faarax Muuse Onkod ,waxa uu kamid ahaa Salaadiinta sida weyn uga qeybqaadan jiray u Ololeynta Nabadda dhanka Beelaha, wuxuuna si weyn uga dhex muuqda Heshiisiinta Beelo ku dagaalamay gudaha Puntland.

 Maamlka Puntland Iyo Sariiksha Ciidamada ayaan wali wax hadal ahi aka soo  Bixin Oo Ku Aadan Dilka Suldaanka Walow ay Ciidamada Amaanku wadaan Baaritaano

WD:Axmed Siciid  Garoow-Hobyonet.com

 

Comments are closed