|

MUQDISHO-:Xiriirka Ciyaaraha Fudud oo Tartanka Nabadda Muqdisho kusoo xirey

c3

(SPORTS-HOBYONET) Waxaa garoonka banaadir Stadium (Ex-Conis) lagu soo gabogabeeyey
tartamo ciyaaraha fudud oo ay ka qeybgalayeen boqolaal orodyahano oo
heerarka kala duwan ilaa dugsiyada G/banaadir ka kala socdey.

Tartanka oo loogu magacdarey (Muqdisho Peace Run)ayaa todobaadkii ugu
danbeeyey ee bisha Janaayo waxaa uu ka socdey wadooyinka waaweyn ee Muqdisho iyadoo qabashadiisa ay iska kaashadeen Xiriirka Soomaaliyeed
ee Ciyaaraha Fudud iyo ururka Somali Run ee ka dhisan dibadda ayna ka
socdeen orodyahadii hore ee Cabdi Warsame iyo C/qaadir Caraalle.

Gabogabadii oo xaflad balaaran lagu qabtey gudaha garoonka banaadir
ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madax ka socotey wasaaradda Horumarinta
iyo adeega bulshada,Madax ka tirsan Gudiga Olympikada
Soomaaliya,Madaxda Xiriirada qaarkood iyo ururada dhinaca ciyaaraha ee
dalka dibadiisa ka dhisan iyo taageerayaal aad u badan.

Khadiijo Daahir oo ah Ku-xigeenka XSCF ayaa halkaasi ugu horeyn ka
hadashey iyadoo u mahadcelisey dhamaan dadkii gacanta ka geeystey
tartankaasi oo lagu muujinayey nabadda Muqdisho, waxaana ay xustey in
Somali Run ay si wadajir ah u qabteen tartankaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Hor u Marinta iyo Adeega Bulshada
Bashiir Maxamed Jaamac oo isna halkaasi ka hadley ayaa si weyn u
amaaney dadaalka madaxda GOS iyo xiriiradiisu ka sameynayaan dhinaca
ciyaaraha dalka,isagoo si gaar ah u amaaney xiriirka CF ee soo
agaasimey tartankaasi.

Sidoo kale Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax ayaa halkaasi ka sheegey
in XSCF ay wadaan dadaalo dhinaca hor u marinta nabadda iyo Ciyaaraha
ah,gudigiisa Olombikaduna mudnaan gaar ah siinayo xiriirada dadaala
sida Ciyaaraha Fudud.

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi lagu bixiyey abaal marino kala duwan oo
ciyaaryahanadii kaalimaha kala gedisan galey ee isugu jirtey Wiilal
iyo gabdho la gudoonsiiyey.

MUQDISHO-HOBYONET.COM

> C/xafiid C/samad Zaciimka
>
Zaciimka02@hotmail.com

Recent Comments

    Comments are closed