|

GALKACYO-:Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug C/qaybdiid Oo Galkacyo Gaaray

qaybddd

(GALKACYO-HOBYONET)Waxaa  garoonka Diyaaraha ee magaalada Galkacyo Lagu Soo Dhaweeyay Wafdi heer Sare ah Oo uu Hogaaminayay Madaxweynaha Galmudug Jen.C/Xasan Cawale Qaybdiid.

Soo Dhaweynta Madaxweynaha Iyo Xubnaha la socday ayaa waxa Ka qayb galay Masuuliyinta Maamulka Galmudug iyo Shacabka Qaybihiisa Kala duwan Kuwaa oo Si Diiran u soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha Oo ay Ku Wehliyeen Qaar Ka tirsan Golihiisa Wasiirada Iyo Xubno kale ayaa Ka soo Kicitimay Magaalada Muqdisho oo maalmihii u denbeeyay ay Ku sugnaayeen halkaa waxayna Wafdigan Booqasho ku tageen Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya Halkaa Oo Kulamo ay kula Qaaten Masuuliyin ka mida xukuumada Kenya iyo Saraakisha Hay,adaha UNka ,waxay Sidoo kale Kulamo La yeeshen Madaxda Dowlada Soomaliya.

Madaxweyne Qaybdiid iyo Wafdigiisa ayaa kadib Kolkii ay Soo gaareen Magaalada Galkacyo waxaa Saxaafada Hadal kooban Siiyay Madaxweynaha Galmudug Jen.Cabdi Qaybdiid wuxuuna Sheegay In ay Kulamo La Qaateen Madaxda Dowlada,Ahlusunna,masuuliyinta Maamulka Ximan iyo xeeb iyo Madaxda Kenya iyo Hay,adaha UNka,kuwaa Oo uu xusay In ay ka wada hadleen Arimo dhowra Oo ay Ka Mid Yihiin wada Shaqayn Wanaagsan iyo Wax Qabad isla markaana ay  Dhamaan Isku Afgarteen  waxyaabihii ay Ka wada hadleen.

 

Imaatinka Madxweyne Qaybdiid ayaa ku soo aadaya Xili uu maamulka Galmudug wado Qorshe lagu Dhisayo Deked Laga Hirgaliyo Magaala Xeebedka Hobyo taa Oo hada ay Socoto olole lagu Bilaabayo waxaana Safarka Madaxweynuhu  ku gaaray Kenya u muuqdaa Mid Qayb ka ah Sidii Dekeda Hobyo maamulku Gacan Uga heli lahaa Hay,adaha UNka.

 

ISHA WARARKA  WWW.HOBYONET.COM

                      KALA XIRIIR

TIFATIRAHA GUUD EE WWW.HOBYONET.COM

CALI MAALIN NUUR

Cmaalin17@gmail.com 

Hobyoeditor1@gmail.com

Tell:25290647333          

Recent Comments

    Comments are closed