GALKACYO -:Golaha Deegaanka Degmada Galkacyo ee Galmudug Oo Doortay Duqa Degmada Iyo Kuxigeenadiisa (Qaabka Dorashadu Dhacday+Sawiro
(GALKACYO-HOBYONET)Xaflada Balaaran Oo Lagu Qabatay Hotelka Embassy ee Magaalada Galkacyo ayaa waxaa Ka soo Qaybgalay Madaxda Dowlad goboleedka Galmudug,Culumaa,udiinka Gobalka,waxgaradka iyo Bulshada Qaybaheeda kala Duwan.
Munaasabada Doorashada Duqa Degmada Iyo Kuxigenadiisa Oo ay Soo Qaban qaabiyeen gudi loo xilsaaray ayaa waxay Doorashadu U dhacday Hab Codka Qarsoodiga ah taa waxaana Xilka Duqa Degmada U tartamayay Laboi Musharax oo Kala Ahayd Eng.Siciid Salaad Cilmi (Siciid Bul bul) iyo Bile Bashiir Caynab halka Kuxigeena ay ku loo lamayeen sadex musharax oo kala ahayd Max’ed Cali Xasan ,CismaanCadceed Cilmi iyo C/qaadir C/kariin .waxaana Ugu horayn La bilaabay Doorashada Duqa Degmada Galkacyo ee Galmudug iyadoo ay Labada Musharax Kula Baxeen En.Siciid Salaad Oo helay 7cod Halka Mudane Bile Bashiir uu helay 25Cod Sidaana ay Gudiga Doorashadu ugu dhawaaqeen in uu Ku Guulaystay Jagada Duqa Degmada Galkacyo.
Sidoo kale Waxaa iyana Bilaabatay loolanka Kuxigeenka Oo ay u tar tamayeen Sadexda Musharax taa Oo Golaha Deegaanku Bilaaben In ay u Codeeyaan marka hore Kuxigeenka 1aad waxaana Xilkaa ku Guulaystay Max’ed Cali Xasan Oo Ku helay 19 Cod Halka Cismaan Cadceedna uu helay 14Cod C/qaadir C/kariin Ayaa Isna Helay 3Cod Sidaana waxaa Kuxigeenka 1aad Ku Noqday Max’ed Cali Xasan oo ah Aqoonyahan Da,yar iyadoo durbadiina ay Gudigu Soo jeediyeen in la Bilaabo Doorashada Kuxigeenka 2aad Balse uu C/qaadir c/kariin oo La loolamayay Cismaan Cadceed uu Tanasulay Isla Markaana Cismaan Cadceed uu Si Fudud ku guulaystay In uu Noqdo Kuxigeenka 2aad .
Doorashada oo ay goob Joog ka ahayeen Madaxweynaha Galmudug Cbadi qaybdiid Iyo Kuxgenkisa C/samad Nuur Guleed iyo Afayeenka Baarlamaanka Xasan Max’ud Hayl ayaa ahayd mid jawi dagan ku soo gaban gabowday waxayna Madaxda Maamulka Galmudug Iyo Masuuliyintii Xilalka Ku guulaysatay Iyo Kuwii laga Guulaystay dhamaantood Soo Dhaweeyen sida Maanta wax u dhaceen iyadoo gaban gabadii Munaasabada Madaxweyne Qaybdiid uu Jeediyay Qudbad Dhinacya Badan taabanaysa Oo uu Kaga hadlay Arimo dhowra oo ay Ka mid ahayeen in Galmudug deeganadeeda laga hirgalinayo Hananka in Bulshadu isdoorato ,wuxuuna Kula Dar daarmay Musharixiintii Loolanka Ka hartay In ay La shaqeeyaan walaalahod.
Dhanka kale waxaa Iyana Madsha ka hadashay Duqii Hore ee Degmada Galkacyo ee Galmudug Saynab Cismaan Caato oo soo dhaweysay in la gaaro Doorasho Xor ah oo shacabku u madax banaanyihiin waxayna Balan qaaday in ay La shaqayn Doonto.
Sidoo kale Mudane Bile Bashiir Oo Ku Guulaystay Xilka Duqa Cusub ee Degmada Galkacyo dhanka Galmudug ayaa u mahad Celiyay Walaalkii la Tartamay wuxuuna intaa Ku daray In uu wax Badan Ka badali Doono Hanaanka Dowlada Hoose .
Doorashada Golaha deegaanka Degmada Galkacyo ay Maanta ku Dooryteen Duqa Cusub ayaa Noqonaysa Tii ugu Horaysay ee Duq Degmo lagu doorto tan iyo Markii dhidibada loo taagay Maamulka Galmudug 2006 iyadoo Xukuumadihii Hore Duqa Degmada uu Madaxweynuhu Soo Magacaabi jiray Balse tan ay Si weyn uga Badalantahay waxayna shacabka reer Galkacyo Maanta dhagta Ku hayeen Doorashada Iyo Cida ku guulaysandoonta iyagoo ay ka muuqatay hididiilo ay xanbaarsantahay Doorashada caynkan ah.
DAAWO SAWIRADA
ISHA WARARKA WWW.HOBYONET.COM
KALA XIRIIR
TIFATIRAHA GUUD EE WWW.HOBYONET.COM
CALI MAALIN NUUR
Tell:25290647333









Recent Comments