|

Dibadbax Ballaaran Oo Lagu Taageerayay Howlgalka Badweynta Hindiyo Oo Ka Dhacay Muqdisho

Banaanbax

Banaanbax balaaran oo ay ka qeybgaleen kumanaan dadweyne ah laguna  taageerayay Howl-galka Badweyntah Hindiya ayaa Maanta ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee degmada Hiliwaa kaas uu soo qaban Qaabiyey maamulka Gobolka banaadir.

Dibadbaxayaasha oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ku qeylinayay ereyo ay ku taageerayaan howlgalka badweynta hindiya ee dalka looga xoreynayo Alshabaab.

Sidoo kale banaanbaxa ayaa waxa ka qeyb galay wasiirka Gaashandhigga, Wasiirka Arimaha gudaha iyo federaalka, Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo Ku simaha Duqa Magaalada Muqdisho ahna gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda maamulka Gobolka banaadir, 17-ka gudoomiye degmo iyo saraakiisha Ciidamada Booliska, Nabad sugida iyo militariga iyo marti sharaf kale .

Fanaaniinta Hobolada Waabari iyo kooxaha barbaarta gaashaaman oo ka mid ahaa dibadbaxayaashaayaa soo  bandhigay heeso guubaabo iyo dhiiri galin iskugu jira oo dhamaantood ka tarjumayay qiimaha wadaniyada .

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay ney si buuxda oo hiil iyo hooba leh ay u gargab istaagaayaan howlgalkal badweynta Hindiya ee lagu ciribtirayo Alshaab.

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM 

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Comments are closed