|

Deg Deg:Dhagayso:-Galmudug oo Xayiradii Ka Qaaday Garoomada Gaalkacyo

gaalakacayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo Shirjaraa’id Ku Qabtay Maanta Xaruunta Madaxtooyada Galmudug Ayaa Ku Dhawaaqay In Galmudug Ay Fasaxday Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Ee Ay Maamusho Maamulka Puntland oo Dhawaan Dowlada Galmudug Ay Xayiraad Kusoo Rogtay

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Madaxweynaha Dowlada Galmudug Ayaa Ujeedka Fasaxaada Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Ku Sheegay Codsi uga yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya Kaasi oo ahaa in la fasaxo Garoomada ku yaala Magaalada gaalkacyo islamarkaana la joojiyo Xiisada Gobolka

Madaxweynaha Galmudug Ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay jabisay Amarkii Galmudug Ee Ahaa in Garoonka uu xiran yahay islamarkaana Galmudug ay garawsatay in Garoonka Xanimaada laga qaado oo Dadka Gobolka Loo daneeyo

Madaxweynaha Galmudug Ayaa Tilmaamay Ciidamada Puntland Ay Kusoo Daad Gureenayso Gaalkacyo inuu Yahay Colaad Abuuris Islamarkaana uu Salka Ku Hayo Sidii Maamulka Xaafada Waqooyi Ee Puntland Ay U Fashilin La Haayeen Shirka Maamul Usameenta Gobolada Dhexe Ee Dhawaan Lafilayo Inuu Ka Qabsoomo Magaalada Cadaado Ee Xaruunta Maamulka Ximin Iyo Xeeb

Halkaan Ka Dhagayso Codka

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Comments are closed