|

Xildhibanada Dowlada Galmudug ayaa Ansixiyay Guddi Hoosaadyada Baarlamanka.Aqriso.

Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamanka dowlada goboleedka Galmudug kulankiisa 9-aad oo ka dhacay Magaalada Cadaado Xarunta kumeel gaarka ah ee maamulkaas, ayaa waxaa  soo xaadiray 47-Xildhibaan, waxaana  shir gudoominayay Guddoomiye Cali Gacal Casir, waxaana ajanduhu ahaa meelmarinta gudi hoosaadyada Baarlamanka oo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay samayntooda lagu guda jiray.

Gudiyadas oo tira ahaan gaaraya 9-guddi ayaa kala ah

  1. Guddiga xeer hoosaadka iyo anshaxa.
  2. Guddiga dib u eegista Dastuurka iyo arrimaha gudaha
  3. Guddiga garsoorka awqaafta iyo arrimaha diinta
  4. Guddiga arrimaha bulshada
  5. Guddiga Beeraha, Kheyraadka iyo Bii’ada
  6. Guddiga dhaqaalaha iyo maaliyadda
  7. Guddiga wadooyinka, Dekadaha iyo howlaha guud
  8. Guddiga xuquuqul insaanka, Haweenka iyo arrimaha beni’aadanimada
  9. Guddiga xuduudaha iyo amniga

Dood dheer oo Baarlamanku ay ka yeesheen qaab dhismedka gudiyada ayaa ugu dambayn waxa ay ku ansixiyeen cod gacan taag ah

Gudiyadu waa kala duwanyihiin maadama Xildhibaanada qaar maqanyihiin, guddiga xeer hoosaadka waxa uu ahaa 10-xubnood, gudiga Dastuurkuna waxa uu ahaa 10-xubnood, inta kalena waxa ay ahaayen min 9-xubnood, Gudoomiyaashoodii way u dooranyihiin oo markii horaa midba meel laga keenay, iyadoo qolo walba ay u rabto inuu Gudomiye u noqdo, ku xigeenadii iyo xoghayntii, shaqada maanta sidaas ayay ahayd, Xildhibaanaduna si gacataag ah ayay ku ansixiyeen gudiyada, waxaana isku waafajinay gudi walba inay xaaladohooda ka soo tashadaan, kadibna la tusiyo xeerarka horyaal” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, meel marinta guddi hoosaadyada Baarlamanka ayaa ah talaabo muhiim ah, iyadoo guddi walbaa uu u howlgali doono qabashada waajibaadka horyaalla.

 

Comments are closed