|

Dhagayso:GaadiidLeyda Gaalkacyo Oo Ka Cabanaya Ciidanka Taraafikada Galmudug Iyo Taliska Ciidanka Taraafikada Oo Ka Jawaabay Eedaynta Loo Jeediyay

Qaar ka mid ah gaadiidleyda magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug gaar ahaan kuwa wada gaadiidka loo yaqaan mooto bajaajta ayaa sheegay in ay caqabado badan kala kulmaan ciidanka taraafikada galmudug ee ka howlgala gaalkacyo
Gaadiidleydaan ayaa sheegay in taargada qaadashadeeda ay aad u adag tahay jir dilna loo gaystay qaar ka mid ah gaadiidlayda oo ay u gaysteen ciidanka taraafikada galmudug ee gaalkacyo ka howlgala

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codadka Qaar Ka Mid Ah Gaadiidleyda Gaalkacyo

Dhanka kale waxa eedayntaasi loo jeediyay ka hadlay ciidanka taraafikada galmudug ee ka howl gala gaalkacyo
Taliye ku xigeenka ciidanka taraafikada galmudug shariif cali dhurwaa ayaa sheegay in qaadashada taargada galmudug ay si wanaagsan u socoto wuxuuna beeniyay in ciidanka taraafikada galmudug ay si xun ula dhaqmeen gaadiidleyda ka howlgasha deegaanada galmudug gaar ahaan gaalkacyo

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codka Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Taraafikada Galmudug

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/25216715044

Comments are closed