|

Xiisad U Dhaxaysa Baarlamaanka Galmudug Oo Caawa Ka Taagan Magaalada Cadaado Ka Dib Markii…..

Kulan aan Caadi aheyn oo Qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug ay maanta ku yeesheen Magaalada Cadaado ayey uga hadleen Xaaladda Deegaanada Galmudug.
Kulanka Baarlamaanka oo ka dhacay Magaalada Cadaado ayaa waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed,waxaana Ajendeyaasha ka mid ahaa Mooshin Xilka qaadis ah oo ay ka keeneen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
46 Xildhibaan oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa u Codeeyay in Mooshin Xilka qaadis ah laga keeno Madaxweynaha Galmudug,waxaana Diiday Hal Mudane halka mid kale uu ka aamusay.
Madaxweynaha Galmudug ayaa Shalay Joojiyay Dhamaan Shaqada hay’adda Dowladda Galmudug,waxaana muuqata inuu jiro Khilaaf Xoogan oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo qaar kamid ah Baarlamaanka Galmudug.
Dhanka kale waxaa jira xildhibaano ka tirsan baarlamaanka galmudug oo tageersan madaxwayne guuleed kana soo horjeeda mooshinka laga gudbiyay madaxwaynaha galmudug waxaana cadaado laga dareemaya xiisada u dhaxaysa baarlamaanka galmudug oo haatan labada u kala jabay

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM 

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Comments are closed