|

Daawo Sawirada:Xildhibaanadii Ugu Horeeyay Maamulka Ahlusuna oo La Dhaariyay

Munaasabad galinkii danbe ee maanta ka dhacay Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobalka Galgaduud ayaa lagu dhaariyey Xildhibaanada Cusub Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlusuna Wajamaaca taasi oo uu goob  joog ka ahaa Madaxweynaha Maamulkaas Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan iyo ku Xigeenadiisa.

Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee Maamulka Ahlusuna ayaa ka kooban 65-Xildhibaan kuwaas laga soo Xulay Beelaha Daga 3-Gobal ee dhaca Bartamaha dalka Soomaaliya ee kala ah  Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan dhaarin kadib isla  goobta ayaa lagu doortay Gudoomiye ku Meel gaar ah oo Hogaaminaya Baarlamaanka Maamulka Gobalada Dhexe.

Afhayeen Maamulka Ahalusun Mursal Sheekh Maxame Xeefoow kana mid ah Xildhibaanada Cusub ee Maamulka Gobalada Dhexe oo dhaarinta kadib la hadlay idaacadda simba ayaa sheegay in Xildhibaanada la dhaariyay maanta ay gaarayaan 65-mudane, islamarkaana gudoomiye loogu dhigay Shiikh Shaacir Shiikhow Maxamed.

Tani ayaa dhabar jab  weyn waxa ay ku tahay wada-hadaladii Nabadeed ee u dhaxeeyay Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna waljameeca ee Gobolada Dhexe  ay garwadeenta ka aheyd dowladda dhexe ee  Federaalka Soomaliya.

Hoos Ka Daawo Sawirada

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM 

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440  

Comments are closed