|

Banaanbax Lagu Taageerayo go.aankii baarlamaanka galmudug oo cadaado ka socda iyo C/kariin xuseen guuleed oo goordhow ku wajahan magaalada cadaado

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada cadaado ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo banaan bax xoogan oo lagu taageerayo go.aankii ay baarlamaanka galmudug xilka uga tuureen c/kariin xuseen guuleed
Shacabka ayaa iskugu soo baxay wadooyinka waa wayn ee magaalada cadaado ayagoo wata boorar ay ku taageerayaan mooshinkii xilka looga tuuray guuleed
Dhanka kale waxaa saacadaha soo socda garoonka diyaaradaha ee magaalada cadado ka dagi doona cabdi kariin xuseen guuleed si uu u dajiyo xiisada ka taagan magaalada cadaado amaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana wadooyinka waa wayn lasoo dhoobay ciidamo hor leh
Garoonka diyaaradaha magaalada cadaado ayaa haatan waxaa ku sugan masuuliyiin ka tirsan maamulka galmudug oo halkaasi kusoo dhawayn doona
Shalay ayay ahayd markii 54 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka galmudug ay xilka ka qaadeen madaxwaynaha galmudug c/kariin xuseen guuleed balse mooshinkaasi uu qaadacay madaxwaynaha galmudug

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM 

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440 

 

 

Comments are closed