|

Madaxwaynaha Galmudug Oo Ka Dagay Magaalada Cadaado

Madaxwaynaha galmudug ayaa goordhow gaaray magaalada cadaado ee xarunta kmg ah ee galmudug waxaana garoonka diyaaradaha magaalada cadaado kusoo dhaweeyay madaxwayne ku xigeenka galmudug maxamed xaashi cabdi carabeey iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka galmudug
Madaxwaynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doono bulshada reer cadaado iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka galmudug oo dhawaan shaaciyay in ay xilka ka tuureen
C/kariin xuseen guuleed ayaa baryihii dambe booqasho ku joogay magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya balse maanta uu si kadis ah ugu soo laabtay magaalada cadaado ka dib markii shalay 54 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka galmudug ay shaaciyeen in ay xilka ka qaadeen c/kariin xuseen guuleed madaxwaynaha galmudug

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM 

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

 

Comments are closed