|

Guul Darada Faarax Shiikh C/qaadir Maxay Uga Dhigan Tahay Xisbiga Xasan Shiikh Maxamuud [Xog Rasmi Ah]

Xildhibaan faarax shiikh c/qaadir oo ka tirsan xisbiga damul jadiid ee uu madaxda ka yahay madaxwayne xasan shiikh maxamuud oo la doonayay in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka dalka ayaa ku guuldaraystay kursigaasi ka dib markii uu kusoo baxay C/wali Sheekh Ibraahin Muudeey oo haatan ah gudoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka soomaaliya
Guul darada Xildhibaan faarax shiikh c/qaadir oo ay isku xisbi yihiin musharaxa madaxwaynaha soomaaliya xasan shiikh maxamuud ayaa dad badani waxa ay ku sifeeyeen in ay tahay guul daro usoo hooyatay xisbiga madaxwayne xasan shiikh oo doonaya in mar kale uu hanto talada dalka
Xasan shiikh maxamuud ayaa dadku inta badan saadaalinayeen in uu mar kale kusoo laaban doono xilka madaxwaynaha soomaaliya balse haatan ayaad moodaa in xaalku isbadalay xildhibaanada cusubna ay umuuqdaan kuwo isbadal doon ah oo kasoo horjeeda xasan shiikh iyo xertiisa

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM 

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Comments are closed