|

Muuse Suudi Yalaxow Oo Shaaciyay Musharaxa Madaxwayne Ee Uu Codkiisa Siin Doono

Yalaxow ayaa sheegay in dalkaan uu horumar ballaaran gaarey, islamarkaana codkiisa uu siin doono Xasan Sheekh Maxmauud oo uu sheegay inuu yahay shaqsi waxbadan soo qabtey.

Waxa uu tilmaamay Muuse Suudi, in Xasan Sheekh uu noqonayo shaqsiga 4-ta sano ee soo socota dalkaan hoggaamin doono, walibana codkiisa kaliya aanu ahayn waxa uu bixinayo ee ay jiraan codod kale oo ay ku tashanayaan.

“Xasan Sheekh waa nin geesi ah, u baahan in mar kale loo hiiliyo codkana la siiyo, aniga waan u codeyn doonaa Xasan Sheekh waana madaxweynaheyga, saaxiibadeyna wey u codeyn doonaa taas cidna kama qarineyno”

Muuse ayaa sidoo kale farriin u direy xubnaha kale ee musharraxiinta waliba la tartamaya Xasan Sheekh isaga oo yiri “Waxaan idiin leeyahay lacag xabad ha iska dhameynina ee ka leexda Xasan Sheekh waa la hubaa inuu soo laabanayeen”

Muuse Suudi ayaa saaxiib dhow la ah Xasan Sheekh, dhanka kale Xasan iyo Muuse waxay wada shaqeeyeen xilligii hoggaamiye kooxeedyadii dalka ka arrimin jireen.

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM 

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Comments are closed