|

Dhagayso:Dadka Kasoo Jeeda Gobalada bay Iyo Bakool Oo Sheegay In Tacadiyo Iyo Midab Takoor Loo Gaystay Deegaanada Puntland

Qaar ka mid ah dadka kasoo jeeda deegaanada maamulka koonfur galbeed ee ku sugan magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa cabasha balaaran ka muujiyay mamaul gobaleedka puntland oo ay sheegeen in uu u gaystay tacadiyo kala duwan
Dadkaan oo ku abtirsada gobalada bay iyo bakool ayaa sheegay in loo gasytay dhibaatooyin kala duwan sida jirdil xabsi iyo wax yaabo badan oo aysan mutaysan oo ay sheegeen in loogu gaystay deegaanada maamulka puntland gaar ahaan magaalooyinka gaalkacyo boosaaso garoowe qardho iyo bacaadwayn waxayna maamulka puntland ugu baaqeen in uu joojiyo dhibaatada iyo takoorka uu ku hayo dadka reer koonfureedka ah ee ku sugan deegaanada puntland uuna siidaayo dad badan oo aan waxba galabsan oo xabsiyada puntland lagu hayo
Maaha markii ugu horaysay oo cabasho cayn kaan oo kalaa ay kasoo yeerto dadka kasoo jeeda gobalada baay iyo bakool ee ku sugan deegaanada puntland mana jirto ilaa iyo hada wax uu ka qabtay maamulka puntland cabashooyinkaan

Hoos Ka Dhagayso Warbixin Arintaasi Ku Saabsan

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM 

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Comments are closed