|

“U Dir Telefan, E-Mail, Baraha Bulshada IWM, U Sheeg Kana Codso,Ka Bari Ama U Soo Jeedi, Inuu Codkiisa Isiiyo “Farmaajo

Farina uu taagerayaashiisa facebook la wadaagay musharax farmaajo .
Bismillahi Raxmaani Raxiim

KU: Dhamaan taageerayaasha Musharax Maxamed Cabdilaahi Maxamed #FARMAAJO

Walaalayaal saaxiibayaal sida aad xogta ku heleysaan, Guddiga doorashada Madaxweynaha JFS, wuxuu maanta ku dhawaaqay in 08-Febaraayo ay noqon doonto maalinta doorashada Madaxweynaha Somalia, maalintaas oo ah maalin ay sugitaankeeda idinku qaadatay mudo dheer.

Waxaan ku wargelinayaa dhamaan taageerayaasha Musharax Farmaajo, meel kasta oo ay joogaanba, in wixii saacadan ka danbeeya aan galnay marxaladii ugu danbeysay ee u diyaar garoowga maalinta doorashada.

Hadii aad xubin ka tahay 329-ka xubnood ee codkooda dhiibanaya, Fadlan walaal Xildhibaan CODKAAGA SII MUSHARAX FARMAAJO, hadii uu saaxiibkaa/walaashaa/walaalkaa/xaaskaaga/ninkaaga qaraabadaada ama Xildhibaanka deegaanka matala uu xubin ka yahay 329 Xildhibaan ee codkooda dhiibanaya Fadlan la xariir, ugu tag meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto oo uu joogo/joogto,

Fadlan la xariir, u dir Telefan, E-mail, Baraha Bulshada (Social media) IWM, u sheeg kana codso,ka bari ama u soo jeedi, inuu codkiisa siiyo #FARMAAJO.

Fadlan fariintan la wadaag saaxiibadaada.

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM 

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

 

Comments are closed