|

Orodyahanka Mo Farah Oo kamid noqday Dadka Muslimiinta Ee aan tegi Karin Mareykanka

Orod-yahanka Somali-British-ka ee Mo Farah ayaa laga cabsi qabaaa inuu saamayn klu yeesho Go’aankii uu Madaxweynaha Maraykanka uu xayiraadda ku soo rogay dadka Muslimiinta ee socdaalka ku tagayo Maraykanka.

 

Orod-yahanka oo Xarun Tbaabar ku leh gudaha Maraykanka ayaa haysta Baasaboorka British-ka, inkast oo uu ku dhashay Somalia oo ka mid ah 7-da dal ee Muslimiinta ah ee uu Donald Trump ka mamnuucay inay soo galaan Maraykanka.

 

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa London ayaa qoray in Mo Farah iyo Xaakiisa ku nool yihiin Gobalka Oregon ee dalka Maraykanka, balse uu isagu hataan Tababar ku qaadanayo dalka Ethiopia.

 

Arrintaasi ayaa la micno ah inuusan Mo Farah awoodi karin inuu ku laabto Maraykanka.

 

Wargeyska The Sun waxa uu qoray inay la xiriireen Wakiilladda Mo Farah si ay faahfaahin uga bixiyaan arrintaasi.

 

Madaxweynaha Maraykanka ayaa isbuucan saxiixay Amar Fulineed oo dalka Maraykanka looga mamnuucayo dadka ka imaanayo Somalia, Syria, Sudan, Libya, Iraq iyo Iran inay soo galaan muddo 90-cisho.

 

Si kastaba ha ahaatee, dadka ku safrayo Baasabooradda dalalka kale balse ka soo jeeda Dalalka laga mamnuucayo inay dadkooda soo galaan Maraykanka ayaa laga hor joogsan doonaa inay galaan Maraykanka.

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM 

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/25216715044

Comments are closed