|

Magacyada Musharaxiinta khudbadaha jeedin doona

Maanta oo Sabti ah xildhibaanada Labada Gole ee Dowladda Federaalka waxaa khudbado ka horjeedin doona 8 Musharax oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharax kasta oo khubadiisa jeedinaya ayaa waxa uu xaq u heli doonaa 30-daqiiqo, si la mid ah Musharaxiintii horey u jeedisay khudbadaha.

Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ayaa waxa ay sheegeen maanta oo Sabti ah in ay khudbado jeedin doonaan ilaa 8 Musharax, kuwaas oo kala ah:-

  1. C/naasir Cabdulle Maxamed
  2. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  3. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
  4. C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)
  5. C/laahi Cali Xasan
  6. C/laahi Ciilmooge Xirsi
  7. C/qaadir Cosoble Cali
  8. Cali Xaaji Warsame

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa ay dhici doontaa Arbacada soo socota xilligaas oo ay Taariikhda ku beegan tahay 8-da Febraayo, sida ay horey u shaaciyeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha.

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM 

HOBYOEDITOR1@GMAIL.CO

Comments are closed