|

Daawo:Feysal Cali Waraabe:-Macquul Ma Ahan in Soomaliya Xiligaan Loo Qeybiyo Qabiil Qabiil

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Maamulka Somali-land Enjineer Feysal Cali Waraabe oo dhawaan gaaray Magaalada laascaanood ee Gobolka Sool ayaa Umadda Soomaliyeed ugu baaqay In ay ka shaqeeyaan Midnida Soomali Weyn.

Feysal Cali Waraabe oo dadka ay ku barteen in uu mar walba difaaco Qadiyadda Soomali-land ayaa sheegay in macquul aheen Xiligaan in loo qeybsamo qabiil qabiil , wuxuu ilaahey ka baryay in Umaddiisa isku soo dhaweeyo.

“Waxaad ogaataan inaynu wax ku noqon karno Midnimo, Soomaaliya Inaga ayay inaga Sugaysaa, Reer Waqooyi Hadii aynu Nahay waa inaynu Caqligeena Midaynaa, Soomaali waa isku mid meel ay Joogtaba, Qabiil waxba laguma Noqdo, Qaranbaa wax lagu Noqdaa, NDF, Jabuuti iyo Kililka Shanaad way ina Dhaafeen”.

Comments are closed