|

AQRISO:Sheeko Cajiib Ah ” Hamigii Hormarka iyo Hungowgii Qurbaha By Mahad America

Faarax waxa uu ahaa inan sideed jir ah qowskiisuna wuxuu ahaa qows faqri ah waxayna ku noolaayeen magaalada dhoobleey faarax wuxuu ahaa wiil mar kasta jecel waxbarashada qowskiisuna ma ahayn kuwo awooda in ay ka bixiyaan qarashka uu wax ku baran lahaa

Faarax markuu arko inamo ficiisaa oo waxbarashada usocda wuu ilmayn jiray wuxuuna doorbiday in uu ka shaqeeyo caseeye ama baalashle si uu ugu maareeyo nolol maalmeedka qowskiisa mararka qaar waxaa dhici jirtay lacagta uu faarax soo shaqeeyo in uu ka xoogo aabihiis si uu ugu qayilo

Faarax da,diisu waxay gaartay 12 sana jir wuxuuna noqday inan hogaanka u hayo qowskiisa oo dabara nolasha waalidkiis iyo caruurta la dhalatay mudo ayuuna ka shaqaynayay shaqooyin aad u liita sida caseeyaha iyo baabuur dhaqida

Faarax da,diisu markay gaartay 16 sano wuu ku fakaray in uu u amba baxo safar dhanka lugta ah oo uu ku gaarayo dalka kenya qarash aan badnayn oo u kayd sanaana wuxuu kaga tagay hooyadiis isla markiina wuxuu kuda galay safarkii silaca ahaa iyo socdaalkii saxariirta

Faarax duur cidla ah ayuu wuxuu ku jiray mudo aad u fara badan waxaana wehel u ahaa cabsi daal oon iyo gaajo habeen habeenada ka mid ah ayaa faarax waxaa ku baryay waa cusub mar qur, ah ayuu maqlay sharqamo aad u fara badan oo kala duwan sida gu,gac dabayl iyo codad xayawaan dushiisa ayaa waxaa ka curtay roob mahiigaan ah oo aad moodi dhib cihiisa dhag xaan lala dhacayo asagoo aad u rafaadsan ayuu wuxuu naf ka dayay geed wayn oo dugaal leh markii ay daysay qar qaryadii ayuu mar qura arkay bahal kula jira geedka naxdin darteed horay ayuu u booday cagta ayuuna maalay asagoo ordaya ayuu ku dhacay god aan waynayn wuuna miyir dabool may waxaa meeshii soo maray dad safar ah kuwaas oo horay u qaaday faarax

Faarax wuxuu soo baraarugay asagoo jiifa guri is waraysi dheer ka dib wuxuu ogaaday in uu soo badbaadshay xaaji maxamuud faaraxna wuxuu uga sheekeeyay wixii kusoo qasbay socdaalkaan xaaji maxamuud wuxuu shaqa siiyay faarax

Faarax markuu mudo shaqaynayay ayuu mar kale go,aansaday safar tahriib oo aad u halis badan wuxuuna xoogaa qarash ah ku reebtay xaaji maxamuud oo ahaa odaygii uu la shaqaynayay wuxuuna faarax u amba baxay dalka suudaan wuxuuna la kulmaay dhalinyaro badan oo tahriib ah oo ay horay isku sii raaceen Dhamaantoodna waxay horay u wada fuuleen gaari aad u yar

Faarax wuxuu guda galay safarkii silaca iyo socdaalkii geerida socod qaatay maalmo waxaa jabay gaarigii ay wada saarnaayeen faarax iyo dhalinyaradii kale waxayna dantu dhaafi waysay inla lugeeyo meeshuna waa saxaro geed la harsadana maleh biya lacabana maleh dadkii faarax la socday qofba mar ayay naftu ka dhacaysay waxaana dadkii faraha badnaa kasoo haray faarax iyo dhowr qof mar qur ah ayaa indhahoodu qabteen muuqaal dad waxayna u caga jiideen dhankooda dadkuse ma ahayn dad arxan u samaynaayay waxayna ahaa yeen dad qowlaysataa ama loo yaqaan magafayaal waxayna ku bilaabeen jir dil iyo xog waraysi ay ku waydiinayeen dadkii la socday iyo halka ay uleexdeen waxaana loo dhaadhiciyay godad ay ku jireen dhalinyaro ayaga ka horeeyay waxaana ka mid ahaa dadka goobtaasi ku jiray habla soomaaliyeed oo goobta lagu fara xumaynayay iyo dhalinyaro si xun loo jirdilayay habeenimo ayaana loo wada gudbiyay gudaha liibiya waxaana la iskugu geeyay qol aad u yar

Mudo markii ay cariirigaas ku jireen ayuu faarax wacay xaaji maxamuud oo uu kaga soo tagay dalka kenya xoogaa lacag ahna u hayay wuxuuna ka dalbaday in uu lacagtiii usoo diro si uu iskugu furto waana la siidaayay faarax markii uu bixiyay lacagtii madax furashada ahayd waxaana la geeyay habeen shan saac xeebaha dalka liibiya waxaana goobtaasi ku sugnaa dhalinyaro gaaraysa 570 qof oo la wada saarayay hal doon habeenkaasi waxay ahayd habeen madow waxaa jiray qobow aad u daran baduna waxay ahayd mid guuxaysa

Faarax iyo dhalinyardii faraha badnayn waxaa la saaray dooni bac la buufiyay ah waxayna wada galeen safarkii silaca iyo socdaalkii geerida loo sinaa waxay uwada martiyeen badwayn cidla ah qof kasta cariirigii iyo daalkii ayuu la hurdooday Mar qur ah ayaa lagu baraarugay doontii oo gadoontay dadku waxay isku warsadeen gudaha bada sidii ayagoo ah tusbax la jaray qofba qof ayuu naf ka raadinayay waxaa meeshii kasoo gaaray markab dagaal wuxuuna badbaadshay 15 qof oo uu faarax ka mid yahay intii kalana badii ayay ku dhinteen

Dadkii badbaaday ayaa la geeyay gudaha dalka taliyaaniga faarax maalintaas waxay u ahayd maalin farxadeed iyo in uu gaaray hadafkii iyo guushii uu rabay wuxuu meeshii la geeyay ku arkay dhalinyaro fara badan oo mudo dhowr sana ah ku sugnaa dalka taliyaaniga ayagoo u sheegay in aysan meel uga bixi karin

Faarax wuxuu arkayay dhalinyaro cunto ku doonanaya gasacado wuxuu ogaaday nolasha silaca leh ee taal qurbaha wuxuu kaloo arkay dhalinyaro ku naafoobay tahriibka iyo kuwo diintoodii badalay

Faarax wuxuu ogaaday wixii uu ku haminayay in aysan meesha oolin wuxuuna garwaaqsaday soo bixintaankiisii in ay kaga wanaagsanayd joogi taanka dalkiisa hooyo maadaama uusoo maray silac iyo uurku taalo aad u dhib badan oo ay ka mid tahay hablo soomaliyeed oo hortaada lagu fara xumaynayo oo aadan waxba u qaban karin wuxuuna ogaaday hamigiisii hormarka ee beenta noqday iyo hungowgiisii qurbaha ee uu la kulmay

W/Q:Wariye Mahad Daahir America

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM        

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

 

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440   

Comments are closed