|

DAAWO: Wiil uu dhalay Wariye C/maalik Coldoon oo fariin murugo leh u diray Siilaanyo

Iyadoo 15-kii Bishii Labaad ee Sanadkan Magaalada Hargeysa Ciidamada Maamulka Somaliland ay ku xireen Wariye Samafale C/maalik Muuse Coldoon ilaa haddana uu ku xiran yahay Xasiga Hargeysa ayaa waxaa xarigiisa si Murugo leh uga hadlay Wiil uu dhalay C/maalik.

Wiilkan oo lagu Magacaabo Maxamed Amiin C/maalik Muuse oo saxaafada kula hadlay Magaalada Burco waxaa uu sheegay in tan iyo Markii ay Maqleen in aabahood la xiray ay aad u murugeysan yihiin oo ay ka naxeen Xariga aabahood.

Waxaa uu shegay in Madaxweynaha Maamulka Somaliland uu si xushmad leh uga codsanayo in uu u sii daayo Abihiis oo uu ahaa qofka kaliyaha ee gacanta ku hayay haddana ay ku dhow yihiin in ay waashaan walwalka xariga aabahood uu ku hayo awgii.

Halkaan Hoose Ka Daawo Muuqaalka

Comments are closed