|

Markab lasoo Afduubtay Oo Lasoo Gaarsiisay Deegaanka Ceelhuur Ee Gobalka mudug

Sida ay xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka Markab Xamuul ah oo laga leeyahay dalka India ayaa gacanta ku galay Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Markabkaan oo ahaa mid Xamuul ah ayaa waxaa uu kasoo baxay Dekedda Magaalada Dubai waxaana uu kusoo jeeday Yemen.

Dhacdadan ayaa dhacday  April 1 waxaa la ogaaday in burcad badeed Soomaali ah oo hubaysan ay mas’uul ka ahaayeen afduubka.

Kabtanka markabka ayaa ku wargeliyay maamulka Abu Dubai iyo sidoo kale Mas’uuliyiinta dalka Imaaraadka Carabta.

Waxaa socda tilaabooyin deg deg ah oo lagu doonaayo in Markabkaasi lagu soo badbaadiyo.

Markabka ayaa la Aaminsan yahay in lala soo aaday jihada Soomaaliya iyo Yemen.

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM        

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

 

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440  

Comments are closed