|

DAAWO: Xukun Dil ah oo lagu riday Haweeneydii Gabadha yar ku gowracday Cadaado

Maxkamadda sare ee Maamulka Galmudug ayaa xukun dil ah ku riday haweeneydii dhowaan Magaaladda Cadaado ku gowracday Gabar yar oo 7 sano jir ah.

Garsooraha Sare ee Maxkamadda Galmudug Sheekh Maxamed Guulleed Keynaan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Xukunka dilka ah ee lagu riday haweeneydan.

Sheekh Maxamed Guulleed ayaa sheegay in haweeneydan ay iyadu qiratay inay dilkan si bareer ah u geysatay, sidaas daraadeedna lagu riday Xukun Qisaas dila ah.

Dhowaan ayey aheyd markii mid ka mid ah Xaafadaha Magaalada Cadaado laga helay meydka Gabar 7 sano jir la gowracay, misana jawaan lagu riday taas oo xiisad ka abuurtay magaalada.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Comments are closed