|

Dhalinyaro Reer Galmuudg Ah Oo Ku Dayacan Xabsi Ku Yaala Garoowe

Xabsiga dhexe ee magaalada garawe ayaa waxaa ku xiran dhalinyaro aad u fara badan oo kasoo jeeda deegaanada maamulka galmudug kuwaasi oo laga soo celiyay Jasiirada Siishalis oo ay in mudaa ku xirnaayeen ayagoo loo haysto falal la xariira burcad badeednimo balse la qabtay ayagoo kaluumaysi ku guda jira waxayna dhalintaani sheegeen in aysan wax xariir ah la lahayn burcad badeeda Soomaalida

Mid ka mid ah dhalinyarada reer galmudug ee haatan ku xiran xabsi ku yaala Magaalada garoowe ee gobalka nugaal ee puntland oo ay la xariirtay codkamudug balse diiday in codkiisa la adeegsado ayaa sheegay in dhibaato xoogan ay ku haysato xabsiga magaalada garoowe

“Waxaan la kulanay dhibaato fara badan ma haysano daryeel caafimaad mana helno cunta aan cuno mudo 6 sana ah ayaan ku xirnayn xabsiga magaalada garoowe xataa mudadaasi maanan arkin qoraxda Waxaana taasi noo dheer jir dil iyo dhibaatooyin kale oo naloo gaystay waxaa naloo sheegay in naloo haysto falal burcad badeednimo balse waxay nasoo qabteen ciidamada shisheeye anagoo ka kaluumasanayna xeebaha dalkeena ka dibna waxay nageeyeen jasiirada siishalis mudo ka dibna waxaa naloo soo wareejiyay magaalada garoowe oo aan haatan ku xiranahay ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada ku xiran magaalada garoowe ee kasoo jeeda deegaanada galmudug oo la hadlay codkamudug ”.

Dhalinyarada galmudug u dhashay ee ku xiran xabsiga garoowe ayaa tiradoodu waxay garaysaa ilaa 8 dhalinyaro ah oo kasoo jeeda gobalada dhexe ee soomaaliya gaar ahaan galmuudg
Hoos Ka Aqriso Magacyada Dhalinyarada Reer Galmuudg Ee Ku Xiran Garoowe
1: Shaafici c/laahi cali
2: Xussen axmed maxamed [ waliqo]
3: Salaad maxamed diiriye
4: Sugaal xaashi nuur[ dinax]
6: C/risaaq aadan jimcaale [colmadow]
7: Bashiir xasan cali [basiir boorre]
8:Cali maxamed cali
Dhalinyaradaan ayaa maamulka galmudug iyo dawlada fadaraalka soomaaliya ka dalbaday in ay ku dadaalaan sidii ay xoriyadooda ku heli lahaayeen hadaysan taasi suurta gal ahayna loogu wareejin lahaa xabsiyada deegaanada galmudug Si ay ehelkoodu uga warqabaan una helaan daryeel wanaagsan
W/Q:Wariye Safiino Daahir Shire

XAFIISKA GAALKACYO-GALMUDUG

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM        

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

 

Comments are closed