|

(Dhageyso)Taliye Maxamed Yuusuf Oo Ka Warbixiyay Qaabkii Loo Soo Furtay Ajaanib Burcadbadeed Ugu Afduubnaa Mudug

Ciidamada Ilaalada xeebaha Galmudug Oo Kaashanaya Kuwa Nabadsugida iyo Booliska ayaa ku guuleystay in ay soo bad baadiyaan  ilaa 10 shaqaale ajaanib ah iyo Dooni ay wateen.

Shaqaalahan ay ciidamadu soo furteen ayaa la socday dooni laga leeyahay Dalka India Taa oo ka soo Shiraacatay Magaalada dubai 2todobaad ka hor iyadoo ku sii jeeday Magaalada Kismaayo….waxaana ka Afduubtay xeebaha u dhexeeya Degmooyinka Hobyo Iyo Ceelhuur Koox Burcadbadeeda …kuwaa oo Kolkii Danbe Shaqaalihii la aaday Miyiga Degmada Hobyo…

Intaasi kadib waxaa Howlgal qorshaysan qaaday Ciidamada Ilaalada Xeebaha galmudug oo Doonaya in ay Soo furtaan Shaqaalaha waxayna Gacan ka Helayeen Ciidamada Nabadsugida Iyo Booliska…Kadib howlgal Mudo Qaatay ayay Ciidamadu ku guuleysteen in ay Si Nabada ku soo furtaan Dhamaan Shaqaalihii u Afduubnaa kooxda burcadbadeeda Ah ..

 

Maxamed Yuusuf  Xaashi Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha galmudug oo qadka Telfonka iigu waramay ayaa Sheegay in Howlagal Si wada jira u qaadeen Ciidamadu ku guuleysteen badbaadinta Shaqaalihii ay haysteen Burcadu..

Taliye maxamed ayaa Xusey in ay  Sidoo kale Gacanta ku hayaan Doonidii ay wateen Shaqaalahaasi.

Ciidamada ilaalada Xeebaha galmudug ayaa Xiliyadii u denbeeyay Howlgalo is dabajooga oo ay ku baacsanayaan kooxaha Buracadbadeeda ah kuwaa oo Mudooyinkii u denbeeyay la Dareemayay in ay Dib isku Soo abaabulayeen maadama ay hoos u dhaceen Afduubyadii ay gaysanjireen Kooxaha burcadbadeeda ah

HOOS KA DHAGEYSO CODKA TALIYAHA.

 

XAFIISKA GAALKACYO-GALMUDUG

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM        

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440      

Comments are closed