|

Dhagayso:Amniga Gobalka Muudg Oo Kulan Dag Dag Ah Gaalkacyo Looga Yeeshay

Kulan looga arinsanayay amniga gobalka muudg ayaa maanta ka dhacay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka muudg waxaana kulankaasi soo qaban qaabiyay mamaulka gobalka muudg ee galmudug
Kulankaan ayaa waxaa kasoo qayb galay dhalinyaro laga kala keenay deegaanada gobalka muudg iyo masuuliyiin ka tirsan galmuudg
Agaasimaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha galmuudg cumar cabdi maxamed oo ugu Horayn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhalinyarada gobalka mudug ay door muuqa ka qaadan doonaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga iyo hormarka gobalka muudg
C/rishiid xaashi cartan gudoomiyaha gobalka muudg ee galmuudg oo kulankaasi asna ka hadlay ayaa sheegay in amniga gobalka muudg lagu sugi karo iskaashi dhexmara shacabka iyo laamaha amaanka gobalka
Kulankaan ka dhacay magaalada gaalkacyo ee looga hadlayay amniga gobalka mudug ayaa imaanaya xili baryihii dambe howlgalo amniga lagu sugayo ay ciidanka galmuudg ka wadeen deegaano ka tirsan gobalka muudg

Hoos Ka Dhagayso Codka

W/Q:Mahad Daahir Maxamed [America]

XAFIISKA GAALKACYO-GALMUDUG

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM        

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440   

Edit This Post

Comments are closed