|

Dhagayso:Halkee Ku Dambeeyeen Wada Hadaladii Nabada Gaalkacyo Ee Galmudug Iyo Puntland

Gudoomiyaha gobalka mudug ee galmudug c/rishiid xaashi cartan oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay xaalada magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug oo qaar ka mid ah warbaahintu ay baahisay in ay xiisad ka jirto
Cartan ayaa sheegay in xaalada gaalkacyo ay tahay mid dagan ayna yihiin been abuur wararka ay taabiyeen qaar ka mid ah warbaahintu ee ku aadanaa in magaalada ay ka jirto xiisad u dhaxaysa galmudug iyo puntland
C/rishiid xaashi cartan Gudoomiyaha gobalka mudug ee galmudug ayaa dhinaca kale sheegay in meel wanaagsan ay marayaan wada hadalada nabada gaalkacyo ee u dhexeeya labada maamul ee galmudug iyo puntland
Shacabka ku nool labada dhinac ee gaalkacyo ayuu gudoomiyuhu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida gobalka mudug gaar ahaan gaalkacyo

Hoos Ka Dhagayso Waraysi uu Gudoomiyaha La Yeeshay wariye C/risaaq Maxamed Axmed 

W/D:Mahad Daahir America

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM        

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

 

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440 

Comments are closed