|

Madaxwayne Erdogan Oo Guul Ka Gaaray Aftidii Dastuurka Loo Qaaday

Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa ku guuleystay aftidii ka dhacday dalka Turkiga oo waxaa ay heleen 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen boqolkiiba 48.63 guud ahaan codadkii la dhiibtay, labada dhinac oo aad isugu dhawaa ayaa waxaa ay guddiga doorashada ku dhawaaqeen in qolyaha taageersan ”HAA” ay ku guuleysteen aftda.

Natiijada aftida ayaa ka dhigan in madaxweyne Erdogan uu xafiiska sii joogi doona ilaa iyo sannadka 2029-ka.

Qaabka codadka loo dhiibanayo

Xisbiga mucaaradka ee ugu weyn dalkaasi ayaa sheegay in wax isadabamrin ay hareesay codbixinta.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna meel fagaara ah ka sheegay in si aqlabiyad ah lagu meel mariyay dastuurka cusub.

Taageerayaasha madaxweyne Erdogan ayaa dhankooda sheegay in arrintani ay ka dhigantahay in hanaanka barlamaanka ee dalkaasi lagu bedelayo qaab madaxweyne.

Madaxweyne Erdogan oo codkiisa dhiibanaya

Hadii guddiga doorashada ee dalka Turkiga ay xaqiijiyaan in aftida ay ku guuleysteen garabka ”HAA” ayaa waxaa ay ka dhigantahay in madaxweyne Erdogan uu sii joogi doono xafiiska ilaa iyo sannadka 2029-ka.

XAFIISKA GAALKACYO-GALMUDUG
SHABAKADDA WARARKA
WWW.HOBYONET.COM
NAGALA SOO XIRIIR.
CMAALIN17@GMAIL.COM
HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM
TELL:25290-7647333/252678647333/25216715044

Comments are closed