|

Dag Dag:Shil Gaari Oo Goordhow Ka Dhacay Dagmada bandiiradleey Ee Gobalka mudug

Wararka ay Warbaahinta Hobyonet.com  ka helayso Inta u dhaxaysa Deeganada bandiiradleey iyo sedex higlo ee gobalka mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhow ka dhacay shil gaari oo qasaare gaystay

Shilkaan ayaa yimid ka dib markii uu rogmaday gaari nuuca raaxada ah oo ay la socdeen ilaa 6 ruux

Dad Kor u dhaafaya Afar qof ayaa shilkaasi ku dhaawacmay waxaana dhaawacyadooda la gaarsiiyay isbitaalka guud ee dagmada bandiiradleey ee gobalka mudug

Gaariga rogmaday ayaa la sheegay in uu ka baxay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug kuna siijeeday magaalada cadaado ee gobalka galgaduud

Mudooyinkii dambe waxaa wadada laamiga ah ee u dhaxaysa gaalkacyo iyo cadaado kusoo badanayay shilalka baabuurta oo ay sabab u tahay bur bur xoogan oo wadadaasi ka muuqda

W/Q:Mahad daahir America

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM        

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

 

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440 

 

Comments are closed