|

Daawo Sawirada:Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Hogaamiyaha Ahlusunna

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho iyo wadahadal ah la qaatay madaxda Ahlu Sunnah Wal Jamaaca.

Kulanka ayaa la isku weydaarsaday fikirka kooxda Ahlu suna ay ka qabto ee wadahadalka lagu dhexdhexaadinayo iyaga iyo Galmudug.

Ujeedka kulanka iyo cashada ayaa ahayad in la dardargeliyo wadahadallada magaalada Muqdisho uga furmaya Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Waxaa goobjoog ka ahaa kulankaas Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Macallin Nuur.

Madaxda DFS ayaa isku dayaya in Ahlu Sunna Waljamaaca ay ku qanciyaan iney dhinac ka raacaan isbadalka cusub ee dalka isla markaana xubno ku yeeshaan Galmudug.

Hoos Ka Daawo Sawirada Kulanka

 

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM        

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

 

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Comments are closed