|

Hogaamiye Caynkee Ah Ayay Galmuudg U Baahan Tahay? By Mahad America

Dawlada Gobaleedka galmudug ayaa mudo dheer waxaa ragaadiyay caqabado gudaha ah sida isjiid jiid siyaasadeed dagaalo sokeeye iyo kuwa kasoo wajahay maamulada dariska la ah galmudug sida puntland iyo mucaarad kaga yimid urur diimeedka ahlusuna waxaa kaloo galmudug ragaadiyay muran ka dhex jiray madaxda galmudug iyo baarlamaanka tan iyo markii xilka madaxwayne ee galmudug loo doortay c/kariin xuseen guuleed 4tii july sanadkii 2015kii waxaana taasi ay keentay in uu gaabis ku yimaado hadafkii hormarineed ee loo aas aasay galmudug state

Galmudug ayaa ah maamulka kaliya ee ay ku midaysan yihiin dhamaan qabaa,ilka soomaalida marka loo eego habka qabiileed ee maamulada kale ay u dhisan yihiin waxaana galmudug ku midaysan 11 qabiil oo ka kooban dhamaan qabiilada soomaalida ugu waa wayn

Ka dib caqabo iyo muran badan oo ka dhex jiray
baarlamaanka iyo madaxda galmudug ayaa waxaa soo afjaray madaxwaynihii hore ee galmudug c/kariin xuseen guuleed oo xilkaas iska casilay 26 fabraayo 2017 waxayna taasi keentay fursad cusub oo ah in uu dhamaaday khilaafkii ka dhex taagnaa gudaha maamulka galmudug loona gudbay goortii la xalin lahaa caqabadaha kale ee wali ku hor gudban galmudug

Maxay tahay caqabadaha ugu wayn ee galmudug haysta?

Caqabadaha siyaasadeed ee wali horyaala galmudug ayaa waxaa ugu wayn khilaafka ka dhexeeya galmudug iyo urur diimeedka ahlusuna oo maamulka gaar ah kaga dhawaaqay magaalooyin dh/mareeb iyo guriceel oo ay maamulaan waxaana xusid mudan in caasimadii galmudug oo ah magaalada dh/mareeb ay wali gacanta ku hayaan ahlusuna taasi oo keentay in galmudug ay mudo ka badan laba sano si kmg ah ugu shaqayso magaalada cadaado oo dhawaan lagu dooran doono madaxwaynihii labaad ee galmudug

Waxaa kaloo ka mid ah caqabadaha galmudug wali haysta in aan la gaarin hadafkii laga lahaa ama loo yagleelay galmudug ee ahaa in uu hormar wax ku ool ah gaarsiiyo dadka ku nool gobalada mudug iyo galgaduud oo maamulku uu ka kooban yahay

Sidee Looga Gudbi Karaa Caqabadahaas ?

Dhamaan caqabadahaas aan soo sheegnay iyo kuwa kale oo jiraba waxaa looga gudbi karaa in la helo hogaamiye wax ka badali kara hanaanka maamul ee habac sanaantu ka muuqato ee haatan galmudug ay ku shaqayso kaasi oo wax ka qabta dhamaan marxaladaha siyaasadeed ee ka jira deegaanada galmudug

Hogaamiye Caynkee Ah Ayay Galmudug U Baahan tahay?

Xilka madaxwaynaha galmudug ayaa haatan waxaa u sharaxan mushariin dhowr ah oo dhamaantood u canqal taagaya qabashada xilkaasi balse ay kala saari doonaan xildhibaanada baarlamaanka galmudug

Musharixiinta ugu cad cad ee xilkaasi u sharaxan ayaa waxaa ka mid ah prof.c/qaadir maxamed shirwac oo lagu xasuusto in badan sida uu uga shaqeeyay hormarinta deegaanada galmudug

Ex xildhibaan axmed ducaale geelle xaaf oo asna xilal kala duwan kasoo qabtay dawlada fadaraalka soomaaliya kana tirsanaan jiray baarlamaankii hore ee soomaaliya

Axmed shariif cali hilowle oo ah asna siyaasi si wayn looga yaqaan deegaanada galmudug horayna xilal kala duwan uga soo qabtay maamulkii ex galmudug

Hogaamiyaha dhabta ah ee galmudug maanta u baahantahay ayaa ah in ay hesho masuul samata bixin kara galmudug xalna ka gaara dhamaan khilaafyada ka dhex jira qabaa,ilka galmudug dib u hashiisiin sax ahna u sameeya waxaa kaloo hogaamiyaasi laga doonayaa in uu mideeyo dadka galmudug ee haatan wali kala qoqoban iskuna keeno sidoo kalana uu hormar iyo nabad galyo kusoo dabaalo deegaanada galmudug

Waxaa kaloo galmudug ay u baahan tahay hogaamiye horay loo tijaabiyay wax qabadkiisa oo haatan aan dadka isbarayn kuna caan baxay daacadnimo iyo dal jacayl kaasi oo hadii galmudug ay hesho u horseedi doono hormar iyo hana qaad wanaagsan

Maxaa La Gudboon Baarlamaanka Galmudug

Xildhibaanada baarlamaanka galmudug ee dooranaya madaxwaynaha galmudug ayaa shacabka galmudug waxay ka sugayaan in ay usoo xulaan hogaamiyihii ay ku hiran lahaayeen oo hormarkooda ka shaqayn lahaa colaadana hakin lahaa nabadna u horseedi lahaa
waxaana la gudboon xildhibaanada baarlamaanka galmudug in ay u hiiliyaan shacabkooda oo aysan marna dooran shaqsi ay laaluush ka qaataan balse ay ku doortaan hogaankaas sida uu horay dadkiisa ugu soo hiiliyay haatana uu wax u hagaajin karo

Baaq Ku Wajahan Dhamaan Reer Galmudug

Soomaalidu waxay ku maalmaahdaa far kaliya fool ma dhaqdo waa hubaal hadii ay dhaamaan reer galmudug meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibadba ay gacmaha is qabsadaan in ay ka dhabayn karaan hamiga haatan ku jira waxaana laga doonayaa dhamaan shacab waynaha galmudug in ay u istaagaan hormarkooda intii ay cid kale wax ka sugi lahaayeen
Isma Hurtoy Hays Halayn

W/Q:Mahad Daahir Maxamed [Americo]

XAFIISKA GAALKACYO-GALMUDUG

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM        

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440  

Comments are closed