|

Madaxwaynaha Cusub Ee Galmudug Oo Loo Doortay Axmed Ducaale Geele Xaaf Maxay Tahay Sababta Ka Dambaysay Guushiisa ?

Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa Saaka ka bilaabatay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku tartamayay Musharaxiinta kala ah Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Cabdulqaadir Maxamed Shirwac iyo sidoo kale Axmed Cali hilowle.

Xildhibaanada Codeynaayay ayaa dhammaa 89 mudane.

ka dib Codeyn ay saameeyeen Xildhibaanada Galmudug , waxaana wareegga labaad usoo gudbay Musharaxiinta kala ah Xaaf iyo Axmed Shariif oo kala helay 24 cod oo  ah Axmed Shariif iyo 57 Xaaf ah.

Intaasi ka dib ayaa waxaa loo gudbay Wareegii labaad waxaana ku tartamay Xaaf iyo Axmed Shariif

Xaaf ayaa Wareegga labaad helay 54, halka Axmed Shariifna uu helay 34.

Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha Galmudug uu noqday Axmed Ducaale Geelle Xaaf

Hadaba Waa Kuma Xaaf ?

Axmed Ducaale Geelle Madaxweynaha cusub ee Galmudug waxaa ku dhashay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, 8-dii bishii July sanadkii 1949-kii, iyadoo Dugsiga Hoose/Dhexe uu ku soo qaatay magaaladaasi, intii u dhaxeysay 1958-1965-kii. Sidoo kale Qur’aanka Kariimka ayuu ku xifdiyay isla magaaladaasi.

Dugsiga Sare, ayuu kaga baxay Iskuulka Jamaal C/naasir ee Magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 1966-1970-kii. Jaamacadda Umadda, Kulliyada Dhaqaalaha ayuu kaga baxay intii u dhaxeysay 1972-1976-kii.

Intii uu dhiganaayay Jaamacadda Umadda, ayuu ka shaqo billaabay Bankiga Dhexe Somaliya, isagoona ka soo shaqeeyay intii u dhaxeysay 1975-1979-kii.

Dhanka ganacsiga, ayuu u wareegay 1979-kii, iyadoona uu ku soo jiray illaa 1999-kii. Wuxuu noqday aasaasihii iyo hawlgeliyihii Garoonka Nambar Konton ee Gobolka Shabellaha Hoose, intii u dhaxeysay 1992-2011-kii.

Sidoo kale waa aasaasihii iyo hawlgeliyihii diyaaraddii ugu horeysay ee ka hawlgasha Somaliya (Daallo Airlines), wixii ka dambeeyay burburka Dowladdii Dhexe Militariga.

Sanadkii 2000, ayuu ku biiray saaxadda siyaasadda dalka, iyadoo uu ka mid noqday Xildhibaanada Baarlamaankii Carta lagu soo dhisay, waxaana uu Xildhibaan soo ahaa illaa 2016-kii.

Waxaa la xusuustaa gacantii uu ku lahaa fududaynta ergooyinkii Somaliyeed ee ka qaybgashay Shirkii Magaalada Carta ee Wadanka Jabuuti, laguna soo doortay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Mudadii burburka, ayuu la soo shaqeeyay qaar ka mid ah Hay’adaha Qaramada Midoobe sida, WFP, Save Children, FAO iyo ACRC. Wuxuu sidoo kale uu la soo shaqeeyay Hay’adaha DOME iyo ADCO Groups.

XAFIISKA GAALKACYO-GALMUDUG

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM        

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440  

Comments are closed