|

Gudoomiye Ku Xigeenka Gobalka Mudug Ee Galmudug Oo Gaalkacyo Ku Geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ku geeriyooday gudoomiye ku xigeenkii arimaha bulshada maamulka gobalka mudug ee galmudug kornayl maxamed cali ruush.

Kornayl ruush ayaa u geeriyooday xanuun soo wajahay oo uu baryihii dambe la ildarnaa sida uu mudug24 u sheegay gudoomiyaha gobalka mudug ee galmudug c/rishiid xaashi cartan oo geerida marxuumka tacsi ka diray.

” Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaa gaalkacyo ku geeriyooday kornayl maxamed cali ruush gudoomiye ku xugeenkii arimaha bulshada maamulka gobalka mudug ee galmudug kornayl ruush wuxuu ahaa ruux in badan kasoo shaqeeyay hormarka iyo nabada bulshada gobalka mudug ayuu yiri c/rishiid xaashi cartan gudoomiyaha gobalka mudug ee galmudug wuxuuna marxuumka alle uga baryay in uu janadiisii fardowso ka waraabiyo”

Marxuum maxamed cali ruush gudoomiye ku xigeenkii arimaha bulshada ee gobalka mudug ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada gaalkacyo oo uu marxuumku ku dhintay

Comments are closed