|

Maamulka Dagmada Gaalkacyo Ee Galmudug Oo Digniin Culus Soo Saaray

Xirsi yuusuf barre duqa dagmada gaalkacyo ee galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo ee uu wado maamulka dagmada gaalkacyo ee dhinaca galmudug.

Maayarka gaalkacyo ayaa sheegay in bilihii dambe uu jiray gaabis ku yimid hormarkii magaalada gaalkacyo taasina ay keentay dagaaladii kol hore galkacyo ka dhacay iyo xaalada cakiran ee abaaraha ka jira gobalka mudug.

Dhinaca kale xirsi yusuf barre duqa gaalkacyo ayaa mar uu ka hadlayay soolarada cadceeda ku shaqeeya ee laga hirgaliyay gaalkacyo waxa uu sheegay in ay jiraan dad qowlaysataa oo soolarada xatooyo u gaysta xiliyada habeenkii ah asagoo sheegay in dadkaasi talaabo cad laga qaadi doono

hadalka gudoomiyaha aya waxa uu ku soo aadaya xilli ay dameen badi nalalka cadceeda ku shaqeeya ee wadooyinka magaalada  gaalkacyo ee xarunta gobokla mudug .

Comments are closed