|

Dhagayso: Ciidanka Liyuu Booliska Oo Dad Shacab Ah Ka Afduubtay Deeganka Kaxandhaale

Wararka naga soo gaaraya deegaanka kaxandhaale oo ku yaala xaduudka ay wadaagaan gobalka galgaduud iyo maamulka dawlad deegaanka soomaalida itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi laga afduubtay dad shacab ah.

Dadkaan ayaa waxaa afduubtay Ciidanka loo yaqaano liyuu booliska oo hoostaga mamulka soomaalida itoobiya oo mudo dadka shacabkaa ee halkaasi ku nool dhibaatooyin kala duwan ku hayay.

Nabadoon Jaamac maxamuud Cali Guure oo ka mid ah waxgaradka deegaanka kaxandhaale ayaa sheegay in ciidanku ay afduubteen ilaa sedex gabdhood  oo ka mid ahaa dadka deegaankaasi ku nool.

 

 

Comments are closed