|

Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay duqeyn ka dhacday Gedo

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn xooggan oo ay diyaaradaha dagaalka Kenya iyo Mareykank ay ka fuliyeen gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeyntaasi ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay la socdeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta gobolka Gedo duqeynta ayaa ka dhacday degaan Labaatan KM u jira Magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Alqaadi ayaa  u sheegay Risaala in duqeyntaasi ay fulisay diyaarad laga leeyahay dalka Mareykanka.

Waxaa uu sheegay in duqeynta lala beegsaday Sarkaal Sare oo ka tirsan Al-Shabaab , kaa soo lagu magacaabo  Cabdullaahi Saney.

Inta badan duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha dagaalka dalalka Kenya iyo Mareykanka ayaa waxyeelo daran waxa ay kasoo gaartaa dadka Shacabka ah.

Comments are closed